Maamulka Jubbaland ayaa ganafka ku dhufatay go’aankii k asoo baxday Dowladda Dhexe ee quseeyey canshuurta Boqolkiiba shan oo berri ka dhaqan gali doono gudaha dalka, si gaar Koonfurta iyo Bartamaha Dalka.
Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Jubaland ayaa war saxafadeed ay soo saartay ku cadeysay in aysan qayb ka aheyn sida hadalka ay u dhigtay tallaabada ay kaligeed qaaday Wasaaradda Maaliyadda ee DFS ee ku aaddan dhaqangelinta canshuurta gadidda 5%, iyada oo ku dooday in aan wax tashi ah lagala sameyn Wasaaradda Maaliyadda Jubaland oo qeyb ka ah dowladaha xubnaha ka ah DFS.
Waraaqda ka soo baday maanta Waaxda Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda DFS ayaa ku soo rogeysa canshuurta gadidda guud ahaan dalka, taas oo uu qorshuhu yahay in maalinta berri ah dhaqan galkeedu yahay.
Wasaaradda Maaliyadda Jubaland ayaa sheegtay in dhammaan ganacsatada deeganada Jubaland aysan Khusaynin fulinta warqadda ka soo baxday Waaxda Dakhliga ee DFS, halka waxaa ganacsatada wargelisay in ay kusii shaqeeyaan oo kaliya qaababkii canshuur bixinta ee Wasaaradda Maaliyadda Jubaland ay horay usoo saartay.
Maamulka Jubbaland oo cuskaday Qodobada 122-aad iyo 106-aad ee Dastuurka Ku meelgaarka ah ee JFS, oo qeexaya mabaa dii’da maaliyadda dalka, ayaaa sheegtay in si cad ay uu qeexayaan wax walba ay tahay in ay kawada xaajoon doonaan Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah shuruucda dakhliga, iyada oo lagala tashanayo dowladaha xubnaha ka ah DFS si waafaqsan nidaamka federaalka ah.
Jubbaland ayaa tilmaantay in shirkii maalma ka hor lagu qabtay Muqdisho ee Wasiirrada Maaliyadda Dalka aan wax wada tashi ah lagaga sameyn canshuurta gadidda, taas oo dhaawaceysa wada shaqeynta Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo dowladda dhexe.
“Jubaland waxa ay leedahay xeerar gaar u ah nidaaminta arrimaha canshuuraha, iyada oo canshuurta gadidda la hirgeliyey 6-dii May 2023, oo lagu bilaabay huteelada yo notaayooyinka’ ayaa la sii raaciyey.
Dhanka kale warka ayaa lagu sii daray in Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waajib ku tahay in ay la tashato DXDFS ka hor inta aysan qaadin tallaabooyin waa weyn oo saameyn ku leh dhammaan heerarka dowladeed iyo ganacsiyada gaarka ah ee dalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa maalinta berri ah 18-ka bishan Agoosto fuli doonta qaaditaanka lacagta canshuurta danabeysan, iyada oo dhamaan ganacsatada dalka fartay in looga baahan yahay dhaqan galinta qaaditaanka canshuurta 5% ee badeecadaha iibka.
HBN ONLILNE TV

