Jubbaland ayaa faahfaahin ka bixisay howlgallo ay sameeyeen ciidamadooda degmooyin ka mid ah Gobolka Gedo, gaar ahaan waddooyinka isku xira Doolow, Luuq, Baladxaawo iyo deegaanno kale.
Ciidanka Jubbaland ee howlgalka fuliyay waxay la kulmeen qaar kamid ah dadka deegaanka iyaga oo ka codsaday in ay ku caawiyaan sidii ay ula wadaagi lahaayeen xogta la xiriirta dhaqdhaqaaqa ay samaynayaan Alshabaab.
Ujeedka howlgalka waxay Jubbaland ku sheegtay in ay uga hortagayso sida hadalka u dhigtay halista Alshabaab ee ka dhanka ah Ciidanka Federaalka iyo kuwa daraawiishta maamulka.
Jubbaland ayaa sheegtay in ciidamadeeda Daraawiishta ah ay u taagan yihiin sidii looga hortagi lahaa weerarrada jidka ah ee Alshabaab ka fuliso deegaanno katirsan Gobolka Gedo, kuwaas oo dhaliya saamayn taban sida marar badan dhdacday.
Jubbaland waxay horay howlgallada ay samaynayaan ciidamada Daraawiishta ee ka dhanka ah Alshabaab u wareejisay xiisadda kala dhaxeysa Ciidanka Dowladda Federaalka oo degmooyin kala duwan ku dagaalameen.
HBN ONLINE TV