Ciidamada Daraawiishta maamulka Jubaland ee fadhigooda uu yahay deegaanka Janaa-cabdalle ayaa sheegay in howlgalo qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaano iyo tuulooyinka ku teedsan ay ku beegsadeen xubno ka mid ah kooxaha Alshabaab oo halkaas ku dhuumaaleysanayay.
Saraakiisha hogaamineysa howlgalkan oo warbaahinta maamulka la hadlay ayaa sheegay in ciidamada cagta mariyeen sida hadalka loo dhigsy tuulooyin Alshabaab uga qaadi jireen dad shacabka ah lacago lagu tilmaamay “baad”.
Sida oo kale maamulka Jubbaland ayaa tilmaamay in ahmiyadda 1-aad ay siinayaan la dagaalanka Alshabaab, iyada oo dowladda Soomaaliya ku eedeeyey xagal daacin ku wado.
“Dowladda Jubaland ayaa muhiimada koowaad siineysa la dagaalanka kooxaha Alshabaab oo duulaan ku ah nafta iyo maalka Ummadda Soomaaliyeed ayadoo dowlada fadaraalka ay xagal-daacin ku wado dagaalka lagula jiro kooxaha khawaarijta isla markaana fidno horle ay ka abuureyso deegaano nabad ah oo horay looga xoreeyay” ayaa lagu yiri warka maamulka Jubbaland.
Weli dowladda Soomaaliya kama jawaabin eedaan kaga timid Jubbaland ee ku aadan in xagal daacin ku wado howlgalada maamulkaasi uu wado.
HBN ONLINE TV