Jubbaland oo deegaannada Xeebaha gobolka Jubbada hoose ka wada abaabul iyo dagaal

Maamulka Jubbaland ayaa u diray Jubbada Hoose wafdi ay Saraakiil oo halkaasi ka bilaabi doono sida la sheegay howlgalka amniga lagu xaqiijinayo ee ka socada deegaanada Xeebaha gobolka.

Masuuliyiinta deegaannada la sheegay in howlagaladu ka socdaan ayaa kulan la yeeshay wafdi Ka socaday Jubaland, waxaana ka mid ahaa saraakiisha taliska Ciidamada gaarka ah ee Daraawiishta maamulka.

Taliyaha guud ee Ciidamada Daraawiishta Jubbaland General Ismaciil Saxardiid Keydsane oo ka hadlay socdaalkooda ay ku joogaan deegaanka Kudhaa ayaa sheegay in aanay ka shalayneyn Ciidamada ka tagay, iyaga oo haysta ciidamo ku filan sida uu hadalka u dhigay oo cid walba oo ku soo duusha iyo sugidda amniga deegaannada Jubbalanad.

“Waxaan u shalaynayo ma aha kuwa tagay, waan ognahay waxa ka horeeya” ayuu yiri Taliye General Ismaciil Saxardiid.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in Jubbaland ay heysato Ciidamao geeshiyaal ah oo ku filan meel walba iyo wixii kale ee ku soo duula deegaanka oo Alshabaab qeyb ka tahay.

Labadii todobaad ee ugu dambeeyey maamulka Jubbaland ayaa lumiyey ciidamo aad u badan oo ku biiray ciidamada dowaldda Federaalka geysay deegaan xeebeedka Raas-kambooni degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed