Xili muddo dhowr bil ah uu taagan yahay khilaafka Jubbaland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya hadallo uu cadaadis ku saarayo maamulku dowaldda, kaasi oo ku aadan in xayiraadda duulimaadyada laga qaado.
Jubbaland oo ka falcelisay isku-shaandheynta golaha wasiirrada ee uu sameeyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre si degdeg ah uga dalbatay Wasiirka cusub ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada inuu u qaado xayiraadda saaran garoomada diyaaradaha ee dowlad-goboleedkaasi, sida uu bartiisa X ku qoray Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdifataax Mukhtaar.
“Waxaan ugu baaqeynaa Wasiirka Cusub ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya inuu si degdeg ah uga qaado xayiraadaha saaran garoomada diyaaradaha ee Jubbaland, si loo fududeeyo dhaqdhaqaaqa dadka” ayuu yiri wasiirka Cabdifataax.
Sidoo kale, Ilo dhanka Diblumaasidda ah ayaa sheegaya in dowladda federaalka ay si isdaba joog ah u diiday codsiyada lagu doonayay in xayiraadda lagaga qaado garoomada Jubbaland, iyada oo la rumeysan yahay in Muqdisho ay cadaadis ku saaraysayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, arrimaha la xiriira khilaafka ka taagan ee hannaanka doorashooyinka.
Tani waxay muujineysaa, sii xoogeysiga xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa dowladda federaalka iyo Jubbaland, xilli ay weli taagan tahay muranka ku saabsan qaabka doorasho ee dalka, balse dowladdu ay ku adkeysanayso in dalka ay ka dhici doonto.
HBN ONLNE TV