Jubbaland oo Dawlada Federaalka ku eedeysay inay “colaad ka hurineyso” Gedo, iyadoo dhabarka ka riixayaan Masar iyo Eritrea

Maamulka Jubbaland ayaa si adag u dhaleeceeyay dowladda Federaalka Soomaaliya DFS kadib markii ay lumiyeen gacan-ku-haynta magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo, taasoo hadda ku jirta gacanta ciidamada dowladda.

Jubbaland waxay ku eedeysay dowladda dhexe in ay gobolka ka abuurayso sida hadalka ay u dhigtay colaad siyaasadeed iyo mid militari, taasoo sida ay sheegeen ay gadaal ka riixayaan dalal shisheeye sida Masar iyo Eritrea.

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo wareysi siiyay warbaahinta ayaa sheegay in Dawlada Soomaaliyia qorsheynayso in ciidamo cusub ay geyso gobolka Gedo, isagoo arrintaas ku tilmaamay mid dagaal horseedi karta. Wuxuu carabka ku adkeeyay in dagaalkooda uu yahay mid ka dhan ah qorshahaas iyo sidii ay uga hortegi lahaayeen.

Isagoo si gaar ah u dul istaagay arrinta Beledxaawo ayuu Maxamuud Sayid ku adkeystay in aysan marnaba meeshaasi Jubbaland ka go’i karin, wuxuuna xusay in nabad iyo deganaansho laga heli karo kaliya marka ciidamada dowladda Federaalka laga saaro magaalada.

“Amarka Muqdisho laga soo bixinayo marka uu meesha ka baxo ayaa deegaanku deganaansho helayaa,” ayuu yiri Maxamuud Sayid, isagoo intaas ku daray in Jubbaland aysan aqbali doonin amar kasoo baxa dowladda dhexe oo “aan ka shaqeynayn deegaanka.”

Sidoo kale, Maxamuud Sayid ayaa ka hadlay culays uga yimid qaar ka mid ah mas’uuliyiinta degmada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, kuwaas oo cabasho ka muujiyay ciidamada Jubbaland ee Beledxaawo ka soo baxay kuna sugan xuduudka Mandheera.

Mas’uuliyiintaas ayaa BBC Somali u sheegay in ciidamadaasi ay khatar ku yihiin amniga deegaanka. Maxamuud ayaa sheegay in arrintaas ay xallin doonaan si aan xiisad dheeraad ah u dhalan.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli gobolka Gedo uu galay marxalad qalafsan oo la xiriirta is-bedbedelka awoodda ciidamada, iyadoo ay weli jiraan xiisado ka dhashay amarro la sheegay inay ka soo baxeen ciidamada Itoobiya, kuwaas oo ciidamada dowladda uga dalbanaya in ay ka baxaan Balad Xaawo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed