Jubbaland oo bilowday watashiyo ay la leedahay Xildhibaanada ku matala Baarlamaanka Federaalka 

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa shir guddoomiyay kulan wadajir ah oo ay yeesheen Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Jubaland iyo Golaha Xukuumadda maamulkisa, kaas oo la sheegay in si qoto dheer loogu lafaguray xaaladda guud ee siyaasadda dalka iyo geeddi-socodka halka dhinac ah ee wax looga beddelayo Dastuurkii heshiiska lagu ahaa.
Kulanka ayaa la tilmaamay in diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-tashiga, midnimada mowqifka Jubaland, iyo ilaalinta heshiisyadii iyo habraacyadii saldhigga u ahaa sida ay hadalka u dhigeen “wax ka badalka Dastuurka Kumeelgaarka ah, iyada oo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in wax ka beddel kasta uu ku yimaado is-afgarad iyo wadatashi buuxa oo loo dhan yahay”.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa horay u muujiyay walaac ku aaddan jihada siyaasadeed ee dalka, isaga oo ku baaqay in la ilaaliyo nidaamka federaalka iyo awood-qeybsiga ku dhisan dastuurkii lagu heshiiyay.

Sidoo kale, kulankan wuxuu ku soo aadayaa, iyada oo Puntland ay ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku kacday waxa ay ku tilmaantay “af-duub diyaaradeed”, kaddib markii ay sheegay in Muqdisho ay ku xayirtay xildhibaano iyo shacab kasoo jeeda deeganadeeda oo qorshuhu ahaa inay Garoowe watashi kula yeeshaan xukuumadda Mdaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed