Maamulka Jubbaland oo kaa shaanaya waxgaradka beelaha ku dagaalamaya maalinkii labaad degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa ugu baaqday dhinacyada dirirtu u dhaxeyso in aanay waxyeelayn nabadda magaalada.
Wasiirka Amniga Jubbaland Yusuf Xuseen Dhuumaal iyo odayaal dhaqan oo ku sugan degmada Luuq, ayna u furan tahay gogol xal loogu raadinayo dagaalka mar kale sacdo magaalada ayaa soo jeediyey in la joojiyo dagaalka.
Wasiir Dhuumaal oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri, “Waxaa baaq nabadeed u jeedinaynaa beelaha walaalaha ah oo ku dagaalmaaya degmada Luuq, waxaa jirtay in baaq nabadeed la jeediyey ay aheyd in maanta gogoshu inay furanto”.
Waxaa uu ka dalbaday in aanay la layn dadka rayidka,waxaana uu yiri “Talo xumo dadka yaan lagu laynin”, isagoo intaasi ku daray “dagaalka hala joojiyo, waxaan ku baaqenaa xabad joojin”.
Ugu dambeyn waxaa uu u jeediyey maleeshiyaadka dagaalamaya aanay burburin taariikhda magaalada ee qadiimka ah.
Dagaalka ka socda Luuq labada maalin ayaa la soo sheegay inay ku dhinteen wadarta guud 3 qof halka ay ku dhaawacmeen 7 kale oo isugu jira dhinacyada dagaalamaya iyo rayid.
HBN ONLINE TV

