Jubbaland iyo Galmdug oo arimaha doorashooyinka kala hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh

Ku xigeenada madaxweynayaasha maamulada Jubbaland iyo Galmudug ayaaa maanta Muqdisho kulan gaar ah Kula yeeshay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo kulanka qayb ay ka ahaayeen qaar ka mid ah Xildhibaannada laga soo doorto deegannadaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid oo wehliyey Madaxweyne ku Xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Adan Iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Labada Aqal ee Barlamanka Fadaralka Somalia ku Matala Galmudug iyo Jubbaland ayaa kulan muhiim ah la qatay Madaxweynaha JFS Dr Hassan Shiekh Maxamuud, waxaana kulanka looga wada hadlay Xaalada guud ee Dalka, arimaha Dastuurka, Doorashoyinka iyo la dagaalanka kooxda Alshabaab.

Dhanka kale Madaxweyne Hassan Shiekh ayaa Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland faray in horumarka Laga sameeyo Dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab iyo Dowlad dhiska.

Doorashooyinka maamulada Jubbaland iyo Galmudug ayaa lagu wadaa in sanadkaan ay ka qabsoomaan deegaannada maauladaasi, iyada oo dhowr jeer oo hore muddo kordhin loo sameeyey madaxda maamuladaasi lagu dhaliilay madaxweynaha Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed