Maamulka Jubaland ayaa mar kale dowladda federaalka Soomaaliya (DFS) ku eedeeyay inay sabab u tahay sida uu hadalka u dhigay colaadda ka taagan magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo saaka uu dagaal culus ku dhex maray ciidamo ka kala tirsan DFS iyo Jubaland.
Madaxweyne ku xigeenka Jubaland, Maxamuud Sayid Aaden, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ciidanka nabad-sugidda DFS ee gobolka Gedo lagu amray sida uu hadalka u dhigay inay weeraraan fariisimo ay ciidamada Jubaland ku leeyihiin duleedka Baladxaawo.
Wuxuu xaqiijiyay in dagaalka uu sababay khasaare xooggan oo soo gaaray labada dhinac, iyadoo dhaawacyada loo qaaday magaalada Mandheera ee dalka Kenya. Sida uu sheegay, saraakiil ayaa dagaalka ku dhintay, hase yeeshee ma uusan sheegin magacyadooda ama tiradooda.
Sidoo kale, Madaxweyne ku xigeenka Jubaland ayaa ku baaqay in madaxda DFS lagula xisaabtamo sida uu carrababaay wixii ka dhacay Baladxaawo, isaga oo odayaasha dhaqanka iyo xildhibaannada ka soo jeeda gobolka Gedo ugu yeeray inay dhex-dhexaadiyaan dhinacyada isku haya magaalada.
Dhanka kale, toddobaadkii hore DFS ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay ku eedeysay shaqsiyaad ka tirsan Jubaland inay “hurinayaan rabshado” oo ay“faafinayaan warar marin habaabin ah” sida uu hadalka u dhigay oo wiiqaya xasilloonida gobolka Gedo. Magacyada la xusay waxaa ka mid ahaa Maxamuud Sayid Aaden, oo DFS ku sheegtay inuu xiriir la leeyahay sida warka loo dhigay “falal amni darro” oo hore uga dhacay gobolka, islamarkaana ku lug lahaa dhaqdhaqaaqyo dhowaanahan lagu bartilmaameedsaday amniga gobolka.
Warkan ayaa imaanaya xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha siyaasadeed iyo gacan-ka-hadalka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka Jubaland ee ku aaddan gacan ku haynta magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo.
Xog la xariirta Jubbaland oo Dawlada Federaalka ku eedeysay inay “colaad ka hurineyso” Gedo, iyadoo dhabarka ka riixayaan Masar iyo Eritrea
Isha ku haay HBN ONLINE TV