Jubaland oo wada-hadal ugu baaqday Dawladda Federaalka

Wasiirka Amniga Jubbaland General Yusuf Xuseen Dhuumaal ayaa sheegay in Jubbaland ay diyaar u yahay in la xaliyo khilaafka kala dhaxeeya dowlada dhexe oo saameyn dhinaca amniga ku yeeshay Maamulka.

Isagoo ka warbixiyey socdaalka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam uu ku tagay dalka Kenya ayuu sheegay in uu kula soo kulmay xubno ka mid ah beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen arimaha amniga.

Khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo Jubbaland ayuu sheegay in maamulku diyaar u yahay wada-hadal inuu arinkaasi ka galo, iyadoo la iskugu imaanayo miiska.
“Waxaan kuu sheegayaa in dowlad goboleedka Jubbaland ay diyaar u tahay wada-hadal in miiska la iskugu yimaado, oo weliba aan u gardhigano Soomaali” ayuu yiri Wasiir Dhuumaal.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in khilaafka taagan uu saameyn ku yeeshay deegaannada Jubbaland, ka dib markii la cunaqabateeyey sida uu warka u yiri duulimaadyadii dadka rayidka oo xiran in ka badan muddo bil ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed