Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jabuuti ayaa xaqiijisay in duqeyn sababtay dhimashada ku dhawaad 10 ruux oo dad rayid ah ku jiraan ay ka fulisay xadka ay la wadaagto Itoobiya, ka dib markii ay beegsatay 30-bishii hore koox ay ku eedeysay inay falal amni darro ka geysateen miyiga dalkaasi.
Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee waaradda Gaashaandhigga Jabuuti, goobta la weeraray ayaa loo aqoonsaday in ay tahay “saldhig ay isticmaalaan kooxaha argagixiso ah”, iyadoo la hayey sida hadalka loo dhigay xogta dhaq-dhaqaaqooda muddo toddobaad ah oo lagu samaynayay baaritaan sirdoon.
Wasaaradda difaaca Jabuuti ayaa Kooxda ay weerartay ku eedeysay inay wadeen falal xasaasi ah oo ay ka mid yihiin “in ay si qarsoodi ah u dhex galaan gudaha dalka, iyagoo isticmaalaya saddex marin oo kala duwan, taasi oo khatar gelinaysay fariisimada ciidanka iyo kaabayaasha muhiimka ah ee deegaanka Lac Assal”.
Dowladdu ma aanay sheegin haybtooda kooxda, basle waxay ku eedeysay inay geysteen afduubyo lala beegsaday macallimiinta dugsiyada miyiga iyo inay khatar galiyeen sida hadalka ay u dhigtay amniga jidka isku xira Lac Assal iyo Tadjuura.
Sidoo kale, waxaa ay carrabaabtay inay duqeynta ku dishay 8 ka mid ah kooxda, iyadoo uu khasaare soo gaaray dad rayid ah.
“Weerarka ayaa lagu dilay 8 ka mid ah dagaalyahanada argagixisada, balse waxaa nasiib darro ah in khasaaro rayid ah uu ka dhashay, iyadoo la soo sheegay dhimasho iyo dhaawac dadka shacabka ah ee ku sugnaa goobta” ayey tiri wasaaradda Difaaca Jabuuti.
Jabuuti ayaa sheegtay inay dirtay gargaar bini’aadannimo si wax loogu qabto dadkii ay saameeyeen khasaaraha ka dhashay duqeynta.
Dowladda ayaa ku andacootay in sababta weerarkaasi ay fulisay ay oga gol laheyd “adkaynta dadaalkeeda ay ugu jirto sugidda ammaanka muwaadiniinteeda iyo ilaalinta hantida guud ee dalka”, iyadoo ballan qaaday inay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, balse aan la magcaabin.
HBN ONLINE TV