Jariirada Talyaaniga ee CalcioNapoli 24 oo bixisay macluumaadka ku aaddan qorshaha Arsenal ay ku dooneyso weeraryahanka Napoli Osimhen

Arsenal ayaa la sheegay in xiriir la sameysay weeraryahanka Napoli ee Victor Osimhen.
25-sano jirkaan ayaa iska dhigay mid ka mid ah weeraryahanada ugu wanagsan Yurub seddex sano iyo bar uu ku sugnaa Napoli isagoo dhaliyay 67 gool 119 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Osimhen ayaa dhaliyay 26 gool 32 kulan oo Serie A ah xilli ciyaareedkii hore si uu ugu guulaysto kabaha dahabka ah isla markaana uu kooxda Partenopei ku hogaamiyo koobkii ugu horeeyay ee Scudetto muddo 33 sano ah.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Nigeria, oo hadda ku maqan waajibaadka Koobka Qaramada Afrika, ayaa go’aansaday inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo Napoli bishii December isagoo saxiixay qandaraas kordhin ilaa Juun 2026.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo lagu soo waramayo inay xiiseynayaan kooxo badan oo Yurub ah, madaxweynaha Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa shaaca ka qaaday todobaadkii hore in Osimhen uu ka tagi doono kooxda xagaaga.

Warbixin dhawaan soo baxday ayaa sheegaysa in Chelsea ay Arsenal kaga hormartay loolanka loogu jiro saxiixa Osimhen kaas oo muujiyay rabitaankiisa ah ka ciyaarida Premier League.

Gunners ayaa u muuqata inay kor u qaaday baacsiga Osimhen, sida ay ku warantay jariirada Talyaaniga ee CalcioNapoli 24, ee soo marta football London, ayaa sheegtay in kooxda Mikel Arteta ay la soo xiriirtay suurtogalnimada in Nigeria ay ku soo jiidato Emirates Stadium.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed