Dowladda Dalka jabuuti ayaa sheegtay in ay Itoobiya siineyso Deked u dhaw dhanka Xadka dalkaas una jirta fogaan dhan wax ka yar 100 Kiilomitir si hoos loogu dhigo xiisadda ka aloosan Geeska Afrika.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo warbaahinta maxaliga ah la hadlay ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu ka shaqeynayo sidii hoos loogu dhigi lahaa colaadda ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya ee salkeedu yahay xadgudubka Addis Ababa sameysay billowgii sanadkaan.
“Itoobiya waxa aan siineynaa Deked u jirta xadka wax ka yar 100 KM, Maamulka Dekeddaas boqolkiiba boqol iyada ayaa maamuleysa si loo soo afjaro khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.
Wasiir Maxamuud ayaa tilmaamay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu ka shaqeynayo kulansiinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud & Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Kulankaan ayuu carrabka ku dhuftay in uu ka dhacayo Dalka Shiinaha, rajo ayuu ka muujiyay in hoos loo dhigo xiisadda ka taagan Geeska Afrika oo cabsi xooggan iyo dareen sare dhalisay ka dib markii labada dhinac isku fahmi waayeen labadii shir ee Turkiga ka dhacay.
Ugu dambeyn, wasiir Maxamuud ayaa Wareysigiisa ku sheegay in ay Jamhuuriyadda Jabuuti ugu baaqayso Soomaaliya iyo Itoobiya in la isku dhowro derisnimada isla markaana dhankooda diyaar u yihiin in ay ka shaqeeyaan sidii la isugu soo dhaweyn lahaa si xiisadda loo dejiyo.
Ma jiro war kasoo baxay Soomaaliya & Itoobiya, Jabuuti waxaa Addis Ababa kala dhaxeeya heshiis ku saabsan isticmaalka Dekedaha Dalkaas oo wax kala soo degto kana dhoofsato, Itoobiya ayaa waqti fog raadineysay marin badeed iyada oo diyaarsatay ciidamo.
HBN ONLINE TV

