Jabuuti oo qorshaynaysa in xal laga gaaro colaadda Suudaan

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo dalkiisu yahay guddoomiyaha hadda ee ururka IGAD, ayaa xaqiijiyay in diblomaasiyadda dalkiisa ay si buuxda uga go’an tahay ka qayb qaadashada geeddi-socodka isu soo dhaweynta qaran ee Suudaan.

Intii uu ka hadlayay munaasabad Jimcihii lagu qabtay xuska sannad-guuradii 48-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalkiisa ee Faransiiska, Madaxweyne Geelle wuxuu adkeeyay go’aankiisa ku aaddan in uu ka shaqeeyo soo afjaridda dhibaatada Suudaan iyo gaarista nabad waarta.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sheegay in dalkiisu uusan ka aamusnaan karin colaadda dhiigga badan ku daatay ee Suudaan burburinaysa, isagoo ka digay saameynta xun ee ay colaaddaasi ku yeelan karto xasilloonida iyo horumarka dhaqaale ee gobolka.
Sidoo kale, Wuxuu ku baaqay in la hormariyo wadahadalka iyo xallinta khilaafaadka si nabad ah — xili ay taagan tahay colaad baahsan oo dalka galisay xaalad halis ah tan iyo Abriil 2023-kii.

Suudaan waxaa in ka badan laba sano ka socday dagaal u dhexeeya ciidamada milatariga iyo xoogagga RSF, kaas oo sababay kumannaan shacab ah oo dhintay, iyo burbur baahsan oo ku dhacay kaabayaasha dalka intiisa badan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed