Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka digay saldhig militari oo Israa’iil ka samaysato magaalada dekedda istaraatiijiga ah ee Berbera ee Somaliland uu khatar toos ah ku yahay xasilloonida gobolka geeska Afrika.
Isagoo la hadlayay warbaahinta Geelle wuxuu ku eedeeyay Israa’iil inay ka faa’iidaysanayso raadinta aqoonsi ee Somaliland oo soo jirtay tobannaan sano si ay saldhig uga hesho Geeska Afrika—isaga oo muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan in maamulka Hargeysa uu aqbali karo tanaasul siyaasadeed oo istaraatiiji ah si uu u helo aqoonsi rasmi ah.
Hoggaamiyaha ruug-caddaaga ah ayaa sidoo kale si aan caadi ahayn u dhaliilay Dowladda Imaaradka Carabta — oo uu ku tilmaamay “iridda ugu weyn” ee dalalka Khaliijka ah ee Israa’iil ku soo gasho gobolka.
Geelle wuxuu sheegay in Imaaraadku wado isbeddello istaraatiiji ah oo ka socda Geeska Afrika iyo Badda Cas, kuwaas oo sii hurinaya khilaafaadka jira. Wuxuu intaas ku daray eedeymo la xiriira faragelin Imaaraadku ku sameeyay qalalaase ka jira Yemen, Sudan, Soomaaliya, Chad iyo Libya
Isagoo ka fogaanaya saameynta Imaaraadka, Madaxweyne Geelle wuxuu mar kale adkeeyay xiriirka istaraatiijiga ah ee Jabuuti la leedahay Sacuudi Carabiya—wuxuuna xusay in Jabuuti ay weli siiso boqortooyada Sucuudiga marin ay saldhig militari uga samaystaan gobolka, taasoo muujinaysa doorka Jabuuti oo ah ilaaliyaha marin-biyoodka caalamiga ah ee muhiimka ah.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa ku tilmaamay xiriirka uu la leeyahay Madaxweynaha Somaliland, Cabdirahman Maxamed Cabdullahi Cirro, “xiriir aan fiicnayn,”—isagoo shaaca ka qaaday in xukuumaddiisu ay diidday kulammo ama wada-hadallo heer sare ah oo ay la yeelato xukuumada cusub.
Inkasta oo xuduudaha dhulka ay weli furan yihiin, haddana duullimaadyadii ganacsi ee u dhexeeyay Jabuuti iyo Somaliland waa la hakiyay.
Muddo 34 sano ah, ayuu Geeelle ku dooday in hoggaanka Somaliland uu raadinayay aqoonsi “qiimo kasta ha ku kacdee”, waddo uu sheegay inay hadda halis gelinayso midnimada Soomaaliya—isla markaana ka hor imanaysa mabaadi’da Midowga Afrika iyo sharciga caalamiga ah.
Jabuuti waxay weli ka mid tahay dalalka ugu codka dheer ee ka soo horjeeda dhaq-dhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee dhawaanahan ay samaysay Somaliland, iyadoo ku adkaysanaysa in aqoonsi kasta oo la siiyo gobolkan ku dhawaaqay in Soomaaliya inteeda kale isaga go’ay ay wiiqayo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

