Dowladda Djibouti ayaa si rasmi ah u dhammaystirtay dhismaha boqolaal guri oo loogu talagalay muwaadiniinta dakhligoodu hooseeyo, iyadoo mashruucan uu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo sida la sheegay guryeynta bulshada.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku tilmaamay guryahan cusub “tallaabo horumarineed oo muhiim ah” oo dalka u qaaday dhinaca ka dhigista guryeynta mid ka mid ah siyaasadaha mudnaanta koowaad leh.
War saxaafadeed lagu daabacay bogga madaxweyne Geelle ayaa lagu sheegay in guryaha la dhisay ay gaarayaan 520 guri oo laga hirgeliyay aagga PK13 ee degmada Balbala wajigiisa koowaad, kuwaas oo mid kasta uu ka kooban yahay min saddex qol.
Jabuuti ayaa xustay in mashruucan lagu hirgeliyay taageero muhiim ah oo ka timid Sacuudi Carabiya, isla markaana guryahani ay si gaar ah ugu talagaleen muwaadiniinta aan hore u lahayn guri, dhul ama warqad lahaansho.
Sidoo kale 500 guri oo kale oo min laba qol ah oo laga hirgelinayo deegaanka Shabellé, ayaa la sheegay in lagu dhisayo iskaashi Shiinaha ah, taasoo wadarta guud ka dhigeysa in ka badan 1,000 guri.
Dhanka kale, daahfurka mashruucan ayaa ku soo beegmaya xilli dalka Djibouti uu isku diyaarinayo doorashada madaxtinimada ee la filayo inay dhacdo 10-ka bisha soo socota ee April, taas oo uu mar kale u sharaxan yahay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
HBN ONLINE TV

