Dowladda Jabuuti oo dhawaan ku dhawaaqday in dalka ka baxaan dhamaan dadka aan heysan sharciga ayaa ku dalbatay Ciidamo si looga masaafuro dalkeeda, ka dib wareegto ka soo wasaaradda arimaha gudaha Jabuuti.
Ciidamada kala duwan ee Jabuuti oo la siiyey amarka soo qabashada dadka sifada sharcidarada ah dalka ku jooga ayaa la sheegay inay bilaabeen soo aruurinta dadka, xili uu dhamaaday wakhtigii loogu talagalay in dadkaasi ay Jabuuti ka baxaan.
Boqolaal ruux ayaa horay u qaatay amarka wasaaradda arimaha gudaha Jabuuti kuwaa oo ka baxay sida ay warbaahinta gudaha soo warineyso dalka, balse waxaa la sheegay dadka hadda la saaraayo inay yihiin kuwii ka dhaga ageygay amarka dowladda.
Korneyl Maxamed Yuusuf oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada Jabuuti ayaa sheegay in dad la saarayo ay isugu jiraan dadka dalalka dariska ah sida Itoobiya, Yemen iyo Soomaali.
“Waxaan sii cadeynaynaa dadka ku jooga sida sharci daraha ah Jabuuti in Itoobiya wixii ka yimid aan u gudbin doono, Soomaalidane Lowya-cadda la geyn doono, Yemen wixii ka yimidne xiradoodii qaxootiga loo celin doono” ayuu yiri Korneyl Maxamed.
Hadalkan ayaa adkaynaya go’aanka Jabuuti ay soo saartay ee ka dhanka ajaaniibta ah, inkasta oo dhaliilo loo jeeidyey Dowladda, xili aanay iyane ka jawaabin.
HBN ONLINE TV