Jabhadda M23 oo ay taageerto Rwanda ayaa Arbacadii la wareegtay magaalo qani ku ah macdanta oo ku taal gobolka Kivu-da Koonfureed ee bariga Congo, iyagoo dib u bilaabay hora u socodkooda dhanka caasimadda gobolka ee Bukavu, inkastoo afar maalmood kahor ay ku dhawaaqeen xabbad-joojin hal dhinac ah.
M23 iyo ciidamada Rwanda ayaa qabsaday magaalada macdanta leh ee Nyabibwe, oo qiyaastii 100 km u jirta Bukavu isla markaana 70 km u jirta garoonka diyaaradaha ee gobolka.
Nini Binto, madaxa bulshada rayidka ee gobolka Kivu-da Koonfureed, ayaa sheegay in magaalada Nyabibwe oo u dhaxaysa magaalooyinka Bukavu iyo Goma ay hadda gacanta ku hayaan fallaagada M23.
Afhayeenka dowladda Congo, Patrick Muyaya, ayaa qabsashadan ku tilmaamay “caddeyn muujinaysa in xabbad-joojintii halka dhinac ahayd ay ahayd khiyaano sidii horeba u jirtay”.
Viviane Van De Berry, ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, ayaa sheegtay in Goma weli la haysto oo ay gacanta ku hayaan fallaagada M23. Waxay intaa ku dartay in xabbad-joojintii ay ku dhawaaqeena ay jabtay, maadaama dagaallo culus ay ka socdaan waddada ugu weyn ee aada Bukavu ee gobolka Kivu-da Koonfureed.
Waxay intaasi ku dartay in fallaagada M23 ay hadda 50 km u jiraan Bukavu, dhammaan waddooyinka laga baxo ee Goma iyo garoonkeeduba waxa ay hoos yimaadaan gacanta jabhadda M23 iyo ciidamada Rwanda ee taageera. Sidoo kale, dhaqdhaqaaqa ciidamada nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay ee MONUSCO ee magaalada Goma ayaa xadidan.
Perry ayaa tilmaamtay in dib-u-furista garoonka diyaaradaha ee magaalada Goma ay muhiim u tahay adeegsiga shacabka iyo gargaarka bini’aadantinimo. Waxa uu intaa ku daray in Qaramada Midoobay ay aad uga walaacsan tahay luminta garoonka diyaaradaha Kavumo ee magaalada Bukavu oo hadda ay adeegsadaan ciidamada dowladda Congo.
Dhibbanayaasha Goma, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Bisha Cas ay ururisay ku dhawaad laba kun oo maydad ah oo ay sababeen rabshadaha, halka 787 mayd kale ay ku jiraan xarumaha caafimaadka, dadkuna ay sii wadaan in ay aasaan dadkooda.
Van De Beery ayaa saadaalisay in tiradu sii kordhi doonto, gaar ahaan maadaama ay jiraan maydad badan oo qurmay meelaha qaar. Waxaana ay xaaladda ku tilmaamtay mid aad u kacsan. Dagaalka sii xumaanaya wuxuu sababay dhibaato aad u weyn, barakac baaxad leh iyo masiibo bini’aadantinimo oo sii kordhaysa.
Isniintii, jabhadda M23 ayaa ku dhawaaqday xabbad-joojin arrimo bini’aadantinimo darteed kadib baaqyo lagu dalbanayay in la furo marin nabdoon si gargaar loo gaarsiiyo boqolaal kun oo qof oo barakacay.
Laakiin dowladda Congo ayaa ku tilmaantay xabbad-joojinta been abuur, waxayna bayaan ay soo saartay ku sheegtay in xabbad-joojinta halka dhinac ee u dhaxaysa Ciidamada Difaaca Rwanda iyo M23 aysan ahayn wax kale oo aan ka ahayn khiyaano. Ciidamada ayaa xalay ka gudbay bar-kontaroolka weyn ee magaalada Goma si ay u weeraraan magaalada Nyabibwe.
HBN ONLINE TV