Ururka Jaamacadda Carabta ayaa si adag uga hadlay qorshaha la sheegay in Somaliland ay safaarad kaga furaneyso magaalada magaalada Qudus ee la haysto, iyadoo ku tilmaamtay tallaabadaasi mid sharci darro ah oo ka hor imaanaysa qawaanniinta caalamiga ah.
War saxaafadeed ay soo saartay Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay in magaalada Qudus ay tahay dhul Falastiini ah oo ay xoog ku haysato Israa’iil, isla markaana safaarad kasta oo halkaasi laga furaa ay tahay mid baal marsan sharciga caalamiga ah. Waxay sidoo kale tilmaantay in arrintani ay muujineyso faragelin ay Israa’iil ku sameyneyso Geeska Afrika iyo gudaha Soomaaliya.
Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Abuu Al Qayd ayaa sheegay in tallaabada Somaliland ay tahay mid aan wax saameyn sharci ah lahayn, isla markaana ka careysiineysa dunida Carabta iyo Islaamka. Afhayeenka ururka, Jamal Rushdi ayaa isna sheegay in Israa’iil ay isku dayeyso inay hesho aqoonsiyo uu ku tilmaamay kuwo sharci darro ah oo ka yimaada maamulo aan haysan aqoonsi caalami ah.
Ururka ayaa ugu dambeyn sheegay in tallaabooyinka noocan ah ay xadgudub ku yihiin midnnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, wuxuuna ka digay in dhaq-dhaqaaqyada Israa’iil ee Geeska Afrika ay sii kordhin karaan xiisadaha iyo xasillooni darrada gobolka.
HBN ONLINE TV

