Guddiga Difaaca Madaxbanaanida iyo Midnimada Dhulka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska in ay kaalintooda ka qaataan howlaha horyaalla si looga hortago xadgudubyo kale oo ka dhan ah Qarannimada iyo Madaxbanaanida dalka.
Mas’uuliyiinta guddiga ayaa warbixin faah faahsan la wadaagay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska, waxayna u sheegeen in guddigu uu qabtay howlo kala duwan oo looga hortagayo xadgudubyada ka dhanka ah Itoobiya ee hishiiskii ay la galeen maamulka Somaliland 1-da Janaayo 2024.
Heshiiska is-afgaradka ah ee (MOU) ee la saxeexday 1-dii January, Somaliland waxay ogolaatay in Itoobiya laga kireeyo dhul dhan 20km (12 mayl) oo ah xeebteeda ku xeeran gobolka Awdal, ee gacanka Cadmeed muddo 50 sano ah, iyadoo laga kireynayo arrimo ciidan iyo ganacsi.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska ayaa ballan qaaday inay si dhow ula shaqeyn doonaan madaxda, isla markaana ay kaalin wanaagsan oo firfircoon ka qaadan doonaan difaaca midnimada dhuleed iyo madaxbanaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa si weyn uga soo horjeestay xad-gudubyada Xabashida, waxayna diideen ku xad-gudubka sharci-darrada ah ee ay Itoobiya ku hayso Qaranimada iyo wadajirka dhuleed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxay tilmaameen in taako ka mid ah Soomaaliya aysan cidna saxiixi karin ama aysan saxiixi doonin.
Ergeyga Badda Cas Danjire Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo xubin ka ah guddiga difaaca ayaa ka codsaday jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska in ay kaalin weyn ka qaataan arrimaha amniga badda iyo midnimada dhuleed ee dowladda federaalka Soomaaliya.
HBN NEWS DESK