Guddiga doorashooyinka Somaliland oo wada tirinta iyo isku dubba ridka codadka doorashadii Arbacaddii dhacday ayaa wada dalaalo looga keenayo gobolka saadiiqda si loo keeno Caasimadda Hargeysa.
Waxaa maanta magaalada Hargeysa ka degtay Diyaarad siday codadka gobolka Sanaag laga dhiibtay, si loo horgeeyo xubnaha ku jira tirinta doorashada qof iyo codka aheyd ee Somaliland ka qabsoontay 13-kii bishaan.
Waxaa socota qorshayaal la mid ah midkan oo sida la tilmaamay looga keeni doono gobolada fog fog sanaadiiqda taala.
Guddiga doorashooyinka ayaa horay u sheegay in warbaahinta iyo cid walba looga digayo baahinta wararka aan ka soo bixin guddiga.
Doorashada Somaliland oo sanadkan laheyd xiiso gaar ah ayaa u dhacday sidii la qorsheeyey, waxana ka qeyb qaatay dad ku dhow hal Milyan ilaa Milyan rubac, halka ay ka qeyb galay Ergooyin ka kala socotay wadamada caalamka.
HBN ONLINE TV