Itoobiyaankii laga Masaafuriyey Puntland oo arin kale ku qabsatay deegaannada Soomaalida

Dadkii Itoobiya ee laga masaafuriyey deegaannada Puntland oo gaaray gobollo ka mid ah dowlad deegaanka Soomaalida ayaa la kulmay diidmo, ka dib markii loo diiday in halkaasi lagu dejiyo sida ay ku soo warantay warbaahinta gudaha.

Saaka boqolaal qof oo Itoobiyaan ah oo Gawaaridii siday tageen magaalada Wardheer ayaa la kulmay diidmo adag, iyadoo Shacabka magaaladaasi ay diideen in dadkan lagu dajiyo magaaladooda.

Waxaa la soo sheegay in ugu dambeyn maamulka Wardheer ay go’aamiyeen in loo sii gudbiyo magaalada Qabridahare, lamana oga inay aqbali doonaan iyo in kale Dadkaan shacabka degan Qarbidahare ee loo sii wado.

Dadka Itoobiyaanka oo shalay gaadiid badan ka qaadeen Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa la sheegay inay si aan sharci aheyn ku joogeen deegaannada maamulkaasi, halka qaarkood lala xariiriyey sida hadalka loo dhigay falal amniga liddi ku ah.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed