Ciidamo cusub oo Itoobiyaan ah ayaa soo galay maanta gudaha Soomaaliya, kuwaa oo dhaq dhaqaaqyo ka wada qeybo ka mid ah Gobolka Gedo.
Muuqaal muujinaya Ciidamada Itoobiya oo saaran gaadiidka waa weyn ee dabaabaadka qaada ayaa la sheegay in ay soo gaareen degmada Doolow ee gobolka.
Ma cada sababta keentay in Ciidamo dheerad ah ay xadka ka soo gudbiso Itoobiya, halka arintan ay ku soo aadeyso xilli uu jiro dhaqdhaqaaq gobolka ah.
Dowladda Itoobiya oo wakhtiga u haray uu yahay maalmo kooban ayaa aanan la ogeyn waxa ku kalifaya in ciidamo ku soo daabusho gudaha Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore ku eedeysay in xukuumadda Addis Ababa ay hubeyneyso qabaa’ilada degan dhanka xadka labada dal iyo in dhaqdhaqaaqyo aanan sharci aheyn ay ka wado degmooyin ka mid ah Gedo, Hiiraan iyo Galgaduud.
Kulan dhexmaray Dowlada Soomaaliya iyo Taliyayaasha Howlagalka ATMIS oo looga hadlay qorshaha kala guurka iyo bilowga Howlgalka cusub, ayaa waxaan aan laga qeyb galin Saraakiisha Itoobiya ee qeybta ka ah ATMIS.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo hadda madaxiisa ay dooneyso in uu ku kacay sida hadalka ay u dhigtay dusinta xog qaran iyo Qiyaano qaran.
HBN ONLINE TV