Sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga Wasaarada Arimaha Dibada Itoobiya ayaa ayaa fariin Hambalyo ah loogu diray Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi (Cirro) oo ku guulaystay doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday Soomaaliland.
Wasiirka arimaha dibadda Itoobiya Mesganu Arga oo ku saxiixnaa warkan lagu baahiyey bogga wasaaradda ayaa carrabaabay in Shacabka iyo Dawlada Itoobiya ay soo dhaweynayaan madaxweyha dooran Cabdiraxmaan Cirro.
“Anigoo ku hadlaya magaca dawladda iyo shacabka Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, Wasaaradda Arrimaha Dibeddu waxay hambalyo u diraysaa Madaxweynaha la doortay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi-Cirro oo ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada ee Somaliland” ayuu yiri Mesganu Arga.
Sida oo waxaa ay warka lagu sheegay in Itoobiya ay bogaadineyso madaxdweynaha kursiga banaaneyna Muuse Biixi sida uu u muujiyey sida hadalka loo dhigay dowladnimada ku dayashada mudan, iyaga oo u rajeeyey maamulka cusub ku guuleyso waxqabadkiisa.
“Itoobiya waxay ku bogaadinaysaa Madaxweynaha la doortay iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi sida wanaagsan ee ay u muujiyeen dawladnimo dimuqraadiyadeed oo ku dayasho mudan.Wasaaraddu waxay u rajaynaysaa maamulka cusub inuu ku guulaysto waxqabadkiisa” ayaa lagu bayaanka uu soo saaray Mesganu Arga.
Xukuumadda bananeysa xafiiska looga arimiyo Somaliland ayaa dhaleeceyno adag kala kulantay heshiiskii Janaayo ay kula saxiixatay magaalada Addis Ababa, kaasi oo sababay in uu xumaado xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya.
Waxaa uu sabab u noqday heshiiskaasi in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamada Itoobiya ay ka saartay howlgalka nabad ilaalinta midowga ee soo socda oo iyadu majaraha u heyso.
Inkasta oo Itoobiya ku hanweyn tahay in dhibada loo taago MoU-ga dhigaya in galaangal Milateri ay ku yeelato marinka Badda Cas aag dhan 20KM, hadane waxaa waja gabax ay kala kulantay wamada caalamka, ururada gobolka iyo beesha Caalamka.
Lama oga qaabka uu maareyn doono madaxweynaha dooran ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro heshiiskan uu madaxweynaha isaga ka horeeyey Muuse Biixi Cabdi kula dalka Itoobiya Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed oo doonaya in dalkiisu mar uun helo marin badeed Badda Cas ah.
HBN ONLINE TV