Itoobiya oo u jawaabtay Dowladda Soomaaliya oo eedeyn uga timid

Dowlada Fedaraalka Itoobiya ayaa soo saartay War saxafadeed ay isaga fogeyneyso eedeymo ay u jeedisay dowladda Fedaraalka Soomaaliya oO ka mid aheyd hubkii dhawaan lagu boobay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

War saxaafadeed ayaa ka soo baxay Xafiiska Wasaarada arrimaha dibadda Itoobiya oo ku qornaa Soomaali iyo Ingiriis ayaa waxaa lagu sheegay in Itoobiya ay si dhaw ula socoto hadalada kicinta ah ee kasoo yeerayay dhawaanahaan dambe dowladda Soomaaliya.

Itoobiya ayaa sheegtay in dhamaan eedeymaha uga yimid dowladda Fedaraalka Soomaaliya iney yihiin kuwa aan sal iyo raad toona laheyn, islamarkaana Itoobiya sodon sano iyo dheeraad ay si hagar la’an ah ugu howlaneyd ka shaqaynta xasiloonida iyo dawlad dhiska dadka walaalaha ee Soomaaliya.

Warsaxafadeedka Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Itoobiya ayaa lagu yiri “Itoobiya aad ayay uga xun tahay hadalada ah kuwa aan loo meel dayin iyo masuuliyad darro oo ay ku kaceen marar kala duwan madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya, si ay mugdi u galiyaan doorka togan ee dowladda Itoobiya ku leedahay dowladnimada Soomaaliya”

Warkaan kasoo baxay dowladda Itoobiya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya uu aad u xumaaday wixii ka dambeeyay bishii janaayo ee sanadkaan 2024, kadib heshiiskii magaalada Addis Ababa ku dhexmaray raysal wasaaraha Itoobiya Aby Axmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaasoo ahaa in Itoobiya ay hesho qeyb ka mid ah biyaha iyo dhulka Soomaaliya, badalkeena Itoobiya dowlad u aqoonsaneyso Somaliland.

 

 

HBN ONLINE TV

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed