Dowladda Itoobiya ayaa u soo magacowday Soomaaliya Suleiman Dedefo Woshe inuu noqdo danjiraheeda cusub ee u fadhin doona Muqdisho, taasoo calaamad u ah dib-u-bilaabashada xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, kadib ku dhowaad sanad uu xiriirkoodu uu ahaa mid xayiran.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga safiirnimo ee Danjiraha Itoobiya isaga iyo 7 kale oo safiir oo ka kala socda Ghana, Ivory Coast, Mexico, Venezuela, Korea, Mauritania, iyo Ciraaq.
Xiriirka labada dowladood Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa xumaaday bishii Oktoobar 2024-kii, kadib markii Soomaaliya ay dalka ka saartay diblomaasi Itoobiyaan ah oo lagu eedeeyay in uu jebiyay qawaaniinta diblomaasiyadda, iyadoo intaa kadibna la cayriyay safiirkii hore ee Itoobiya. Xiisaddaasi waxaa sii huriyay heshiiskii is-fahamka ahaa ee Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo Soomaaliya ay u aragtay mid halis gelinaya madax-bannaanideeda qaran iyo midnimadeeda dhuleed.
Inkasta oo ay jireen wadahadallo lagu qabtay Turkiga oo horseeday heshiiskii Ankara bishii Diseembar 2024, dadaalladaasi waxay hakadeen tan iyo bisha Abriil ee sanadkan, iyadoo aysan jirin wax horumar ah oo muuqday oo laga gaaray xal u helidda khilaafka.
Magacaabista danjiraha cusub ayaa loo arkaa mid muujinaysa diyaar u ahaanshiyaha labada dhinac in ay furaan bog cusub oo iskaashi, si loo dhiso xiriir ku dhisan ixtiraam, wada-shaqeyn iyo nabad ku wada noolaansho gobolka.
HBN ONLINE TV