Dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo wada-hadal laba geesood ah uu dhex maray ayaa sheegay in lagu heshiiyey in Itoobiya lagu darro howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AUSSOM,ka dib markii xal laga gaaray khilaaf adag dowladaha u dhexeeyey. DFS ayaa bayaaniyey in Ciidanka Difaaca Itoobiya ay howlgallada nabad-ilaalinta Midowga Afrika iyo qaabeyntooda kaalin ku lahaayeen.
Taliyaha Ciidanka Difaaca Itoobiya Birhanu Jula iyo dhigga Soomaaliya Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, ayaa u kala saxiixay labada dal heshiiska ay kala gaareen,iyaga oo is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda amniga ee Soomaaliya, gobolka iyo muhiimadda uu u ay leeyahay heshiiskan in la ilaaliyo nabadda, amniga, iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika.
Birhanu Jula ayaa horey wareysiyo kala duwan oo uu bixiyey si cad u sheegay in Itoobiya la’aanteeda Soomaaliya amni ahaan karin.
Dowlada Soomaaliya ayaa si gaar ah u xustay dadaallada ay sameeyeen dalalka ay ciidamada iyo booliska ka socda ku jiraan hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (AMISOM/ATMIS) iyo Ciidanka Amniga Soomaaliyeed, kuwaasi oo sida warka loo dhigay nafahooda u huray tan iyo sanadkii 2007 si loo xasiliyo dalka, loona dagaallamo kooxda Al-Shabaab.
Inta uu socday heshiiska waxaa kulanka joogay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali iyo dhigiisa Itoobiya Redwan Hussein.
Bayaan ka soo baxay DFS ayaa lagu yiri “Taliyeyaasha ayaa soo dhaweeyay bilaabista Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in laga sii amba-qaado guulihii hore ee ATMIS, Waxay carrabka ku adkeeyeen doorka Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya ee hawlgallada nabad-ilaalinta Midowga Afrika iyo qaabeynta ciidamada Itoobiya ee ku howlgali doona AUSSOM”.
Dhinacyada ayaa isdhaafsaday sida la sheegay in muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo taageero dadaallada haatan socda ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay in si wadajir ah loola dagaallamo argagixisada.
Dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku sheegay Bayaanka, in labada dhinac ay noqoto albaabka kaliya ee rasmi ah ee wax kala xaajoodka ama wada-hadalka dhex mara labada dal lagu ekeeyo. Heshiiskaan wuxuu sidoo kale xoojinayaa in Itoobiya ay ixtiraamayaan madaxbannaanida, midnimada dhuleed, iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.
HBN ONLINE TV