Itoobiya oo si kulul uga jawaabtay dhaleeceyn ah in Soomaaliya uga itaal roonaaday diblumaasiyada loolankii damaceeda badda

Iyadoo Somaliland ay sheegtay in Itoobiya looga itaal roonaaday dhinacyadii siyaasadda ee heshiiskii 2024, ayaa arrintaasi waxaa si toos ah uga falcelisay xukuumadda Addis Ababa, oo weerar siyaasadeed ku qaaday Jaamacadda Carabta, waxayna dhaliilo xooggan u jeedisay waxtarka ururkaasi.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Suleiman Dedefo, oo u muuqday inuu ka jawaabayey hadalkii madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi — kaas oo sheegay in heshiiskii MoU uu ka fashilmay dhanka Itoobiya kadib cadaadis uga yimid Jaamacadda Carabta oo uu Masar hoggaaminayo — ayaa sheegay: “Ma Jaamacadda Carabta baa dhab ahaantii ah jaamacad mideysa dalalka Carabta, mise waa urur u adeegaya siyaasadda ka dhanka ah Itoobiya ee Masar?”

Safiirku wuxuu su’aal geliyay sababta Jaamacadda Carabta uga hadli weyday xaaladda dalal badan oo xubno ka ah oo ku jira burbur siyaasadeed, dagaallo, qax iyo macluul, halka ay si joogto ah uga dhigto ajandayaasheeda qorshaha Itoobiya ee ka faa’iidaysiga biyaha wabiga Nile.

Suleiman Dedefo wuxuu intaas ku daray: “Maxay sharci ama sabab akhlaaqeed ugu haystaan inay Itoobiya ugu goodiyaan, kuna yiraahdaan waa inaad ogolaansho naga qaadataa si aad kheyraadkiinna dabiiciga ah u adeegsan kartaan? Jaamacaddu si cad ayay isu fashilisay, iyadoo muujisay in aysan matalin dalalka kale ee Carabta ee xubnaha ka ah.”

Hadalkan ka soo yeeray xukuumadda Addis Ababa ayaa sii adkeeyay xiisadda ka taagan Geeska Afrika, khilaafka Itoobiya iyo Masar ee ku saabsan mashruuca biyo-xireenka weyn, kaas oo muddo dheer sababay khilaaf diblumaasiyadeed oo caalami ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed