Itoobiya oo sheegtay inay dhistay ciidan la dagaallama argagixisada Soomaaliya

Itoobiya ayaa sheegtay inay dhistay ciidan gaar ah oo awood u leh la dagaallanka kooxaha loogu yeero argagixisada ee ka howlgala Geeska Afrika, sida uu maanta shaaciyay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Abiy Axmed.

Abiy ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Hawassa, oo lagu xusayay sannad-guuradii 65-aad ee aasaaska Taliska Howlgallada Gaarka ah ee Ciidanka Difaaca Itoobiya. Wuxuu sheegay in ujeeddada ugu weyn ay tahay xaqiijinta nabadda Afrika iyo in Itoobiya ay garab istaagto dalalka gobolka.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu tilmaamay in diyaargarowga ciidanka cusub uu ka gudbay tababarradii dhulka iyo buuraha, lana gaarsiiyay tababbarro badeed, si loo wajahdo khataraha amni ee isa soo taraya. Wuxuu xusay in la dhisay ciidan aqoon iyo tignoolaji casri ah leh, kaas oo ka shaqayn doona ka hortagga argagixisada iyo sugidda horumarka gobolka.

Abiy Axmed ayaa sidoo kale sheegay in ciidankan uu taageero siin doono “shucuubta walaalaha ah” ee wajahaya khataraha amni, gaar ahaan kuwa ka imanaya badda, laga bilaabo xeebaha Soomaaliya ilaa meelaha istaraatiijiga ah ee gobolka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Itoobiya ay u diyaarsan tahay inay si degdeg ah u farageliso marka ay dhacaan khataro amni.

Wuxuu sheegay in la dhisay ciidan aqoonyahan ah oo ku filan ma aha oo kaliya Itoobiya balse gobolka oo dhan, si looga hortago argagixisada loona xaqiijiyo horumarka iyo barwaaqada gobolkeenna, iyadoo “la taageerayo shucuubta aan walaalaha nahay” ee wajahaya khataraha badda “laga bilaabo cirifka Soomaaliya ilaa cirifka Mitzvah.”

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Itoobiya, Berhanu Jula, iyo mas’uuliyiin kale oo sare oo ka tirsan siyaasadda iyo milatariga. Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa Taliska Howlgallada Gaarka ah ku tilmaamay “ragga koofiyadaha gaduudan” ee ka hortaga una soo afjara dagaallada, isagoo xusay in dhismaha ciidan casri ah uu yahay tiir muhiim u ah amniga gobolka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed