Taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya, Jeneraal Berhanu Jula, ayaa hadallo kulul oo muran dhaliyay ka jeediyay munaasabadda lagu xusayay 118 sano guuradii Ciidanka Difaaca dalkaasi, isagoo si cad u sheegay in wadankiisu uusan sii ahaan doonin dal aan marin badeed lahayn, isla markaana uu qaadi doono tallaabo kasta oo loo arko lagama maarmaan si uu u helo badda.
Khudbaddiisa oo uu ka jeediyay Dugsiga Tababarka Ciidanka Badda ee Itoobiya, Jeneraalka ayaa ku dooday in aanay caddaalad ahayn waa sida uu qabo’e in 2 milyan oo qof ay diidaan xuquuqda badda ee 200 milyan oo Itoobiyaan ah mustaqbalka dhow.
“Ma aha in laba milyan oo qof ay bad la’aan dhigaan 200 milyan oo qof. Waxaan hurudnay 30 sano, balse hadda waan toosnay, mar dambena dib uma seexan doonno. Waxaan ku xaqiijin doonaa nabadgelyadeenna, horumarkeena, iyo helitaanka badda annagoo adeegsanayna dhammaan waddooyinka lagama maarmaanka ah,” ayuu yiri taliyaha.
Berhanu Jula ayaa sheegay in xaaladda Itoobiya ee ah dal aan marin badeed lahayn ay tahay siduu hadalka u dhigay “mid aan caddaalad ahayn” isla markaana “aan waafaqsanayn sharciga caalamiga ah.” Wuxuu tilmaamay in helitaanka marin badeed uu yahay arrin “lama huraan ah” si loo hubiyo nabad, horumar, iyo horumar dhaqaale oo waara.
Taliyaha ayaa sidoo kale weerar afka ah ku qaaday waxa uu ugu yeeray “cadowgii taariikhiga ahaa” ee uu ku eedeeyay inay Itoobiya ka xayuubiyeen badda 70 sano ka hor, isagoo sheegay in weli ay jiraan ciddo diiddan in Addis Ababa hesho marin badeed.
“Cadowgii nagu khasbay inaan luminno marin badeedkeennii, kuwaas oo 70 sano naga soo horjeeday, weli way sii wadaan dadaalladoodii. Iyagaa ahaa kuwii naga saaray badda,” ayuu yiri Jeneraalku.
Hadalladan ayaa imanaya iyadoo todobaadyadii u dambeeyay ay jireen calaamado muujinayay in xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Itoobiya iyo Eritrea ay sare u keceen, taasi bedelkeedane Soomaaliya ay hoos u socdeen, iyadoo dadaallo diblomaasiyadeed ay hoos u dhigeen heshiiskii muranka dhaliyay ee Addis Ababa la gashay Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee, hadalkiisa wuxuu ku soo aadayaa maalin kaddib markii Itoobiya ay Qunsul Jeneraal cusub u soo magacowday xarunteeda ku taalla magaalada Garowe ee Puntland, arrin dhalisay doodo cusub oo gudaha Soomaaliya ah.
Dadka falanqeeya siyaasadda Geeska Afrika ayaa is waydiinaya inta uu xadkiisu gaarayo heshiiska diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Addis Ababa, maadaama tallaabooyinka Itoobiya ay u muuqdaan kuwo si toos ah u taabanaya madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.
Hadallada Jeneraalka iyo tallaabooyinka cusub ee Addis Ababa ayaa si isbarbar socda u muujinaya in muranka ku saabsan marin badeedka iyo xiriirka Itoobiya–Soomaaliya uu weli yahay mid aan salka u dhicin, inkastoo muuqaal ahaan lagu dadaalayo dejinta xiisadda.
HBN ONLINE TV

