Human Rights Watch ayaa ku eedeysay dowladda Itoobiya in ay si sharci darro ah u xirtay ugu yaraan lix saxafi iyo shaqaale warbaahineed tan iyo bishii Agoosto 2025, kuwaas oo qaar lagu hayay xabsi qarsoodi ah muddo dheer dacwad la’aan ah.
Saxafiyiinta la xiray waxaa ka mid ah shaqaale ka tirsan Sheger FM, wargeyska The Reporter, Somali Regional TV, iyo idaacado kale, halka qaar si kumeel gaar ah loo sii daayay. Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegtay in tallaabooyinkani yihiin isku day dowladda Itoobiya ay ku caburinayso warbaahinta madax-bannaan, xilli ay soo dhow yihiin doorashooyinka qaran ee 2026.
Waxaa sidoo kale la xusay weerarro lagu qaaday xarumaha warbaahinta sida Addis Standard, xadhigga tifaftirayaasha madax-bannaan, iyo sharciyo cusub oo baarlamaanku ansixiyay 2025, kuwaas oo dowladda siinaya awood dheeri ah oo lagu faragelinayo saxaafadda.
5-tii Agoosto, booliiska gobolka Soomaalida ayaa si aan sharci ahayn u xiray Khadar Mohamed Ismail, wariye ka tirsan Somali Regional Television oo ay dowladdu leedahay, kadib markii uu bartiisa bulshada ku baahiyay muuqaal muujinaya dad ka cabanaya maamulka gobolka. Khadar maxkamad ayaa la horgeeyay maxkamad 9-kii Agoosto, balse in ka badan hal bil kaddib dib looma arkin, qaraabiisa ayaa sheegay in weli lagu hayo xabsi aan dacwad lahayn.
11-kii Agoosto, ciidamada ammaanku waxay xireen Abdulsemed Mohammed, oo ah martigeliye idaacad ku taalla Addis Ababa, waxayna u hayeen si aan loola xiriirin ilaa la sii daayay 22-kii Agoosto.
Human Rights Watch ayaa sheegtay in xarigga ugu yaraan lix shaqaale warbaahineed muddo dheer aan dacwad lahayn si gaar ah goobo loogu hayey, iyada oo ay sii kordhiyaan walaaca ku saabsan xorriyadda saxaafadda Itoobiya.
Bishii Abriil, booliiska Addis Ababa ayaa weeraray xafiiska Addis Standard. Bishii Juun, sarkaal sirdoon oo aan lebbis wadan ayaa xiray Tesfalem Woldeyes, oo ah tifaftiraha guud ee Ethiopia Insider, isaga oo lagu eedeeyay “faafinta warar been ah.” Waxaa la sii daayay 13-kii Juun dammaanad.
Cagajuglaynta ugu dambeysay ee warbaahinta madax bannaan ayaa ku xigtay markii baarlamaanka Itoobiya ansixiyay 17-kii Abriil wax ka beddel lagu sameeyay sharciga warbaahinta ee 2021, kuwaas oo si weyn loo dhaliilay. Sharciyada cusub ayaa siiyay ra’iisul wasaaraha awood dheeri ah oo uu ku faragelin karo warbaahinta, waxa kale oo laga saaray ka qeybgalka ururrada bulshada rayidka iyo kuwa warbaahinta.
Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa bishii Juun wareysi uu bixiyay ku sheegay in warbaahinta aysan matalin danaha qaranka, isla markaana uu ku adkeystay in “saxafad madax bannaan aysan adduunka jirin.” Booliisku waxay adeegteen sharciyada muranka badan dhaliyay ee 2020-kii lagu meel mariyay ee ka dhanka ah “Hadallada Nacaybka iyo Wararka Marin Habaabinta” si ay ugu soo oogo dacwado saxafiyiinta laguna caburiyo warbixinada dhaliisha ah.
Sannadihii u dambeeyay, dowladda Itoobiya waxay dalka ka saartay laba wariye ajaanib ah, halka tobanaan wariyeyaal Itoobiyaan ahi ay dalka ka qaxeen. Ururrada aan dowliga ahayn ee u ololeeya badbaadada saxafiyiinta ayaa iyaguna cadaadis la kulmay, iyadoo la xiray ururro xuquuqda aadanaha caan ah iyo qorsheyaal lagu doonayo in wax badan laga beddelo sharciga bulshada rayidka ee 2019.
Human Rights Watch ayaa sheegtay in wax ka beddelka cusub ee sharciga warbaahinta iyo kan bulshada rayidka uu muujinayo dib-u-noqosho ku aaddan maamul kali-talisnimo, taas oo cabsi gelinaysa xorriyadda hadalka iyo ra’yiga.
Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka ee la xusay bishii May, 14 safaaradood ayaa soo saaray bayaan walaac laga muujiyay hoos u dhaca xorriyadda warbaahinta dalka Itoobiya.
Human Rights Watch ayaa ku baaqday in Itoobiya ay joojiso cadaadiska iyo caburinta saxaafadda, isla markaana saxafiyiinta loo daayo si ay door uga qaataan doorashooyin xor ah oo cadaalad ah.
HBN ONLINE TV