Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo si rasmi ah u ansixiyay hawlgalka cusub ee taageerrada iyo xasillinta Midowg Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa waxaan ka soo muuqan liiska dalalka ku jira Itoobiya.
Qaraarka oo ay soo diyaarisay Boqortooyada Ingiriiska, ayaa waxaa oggolaaday 14 xubnood oo ka tirsan Golaha Ammaanka, halka uu ka aamusay Mareykanka oo shir-guddoominayay Fadhiga sababo la xiriira walaacyo ku saabsan Maalgelinta.
Hawlgalkan cusub ee AUSSOM oo heysta sharciyad 12 bilood ah ayaa gebi ahaanba laga saaray Ciidamada Itoobiya, waxaana uu noqon doonaa ilaa 12,626 askari oo ciidamada milatariga iyo 1,040 booliis ah.
Uganda ayaa la wareegi doonta dhammaan goobihii ay Soomaaliya ka joogeen ciidanka Itoobiya ee laga reebay hawlgalka cusub, waxaana Uganda noqonaysaa dalka ciidanka ugu badan howlgalkan oo gaaraya 7,175 oo askari, halka Jabuuti ku yeelanayso 1,800 oo askari oo joogi doono goobaha ay awal joogeen.
Dowladda Kenya ayaa sida oo kale hawlgal AUSSOM ku yeelan doonta 1,400 oo askari halka ciidamada Burundi oo hoos loo dhigay, islamarkaana lagu soo koobay tirada ciidanka ka socda ee qeybta ka noqonaya AUSSOM 1,041 askari.
Xubnaha Midowga Afrika ayaa loo fasaxay inay ciidamadaan sii joogteeyaan howlaha ay haayaan illaa 30-ka Juun 2025, iyada oo muddadaas lagu dhammeystirayo beddelidda dhammaan ciidamada ATMIS oo loo wareejinayo AUSSOM.
Fadhiga golaha oo Itoobiya ka sheegtay inay door muhiim ah ku laheyd howlgalka dalka ka socda Soomaaliya ayaa ku andacootay inay khatar jirto haddii booska ay kaga jirto laga saaro.
Soomaaliya ayaa carrabka ku dhufatay in inta howlgalka ku jirta Itoobiya ay faragalin aan loo meel dayin ku waday arimaha gaarka ah ee qaranka, iyada oo wixii laga filayey ee wax qabadka ahaa meesha ka bexeen.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay eedeymo ugu jeedisay ciidamada Itoobiya ee aan howlgalka ku jirin, kuwaa oo sifo aan sharci aheyn dalka ku jooga. Waxaa intaasi lagu daray in Itoobiya ay hubeysay qabaa’ilada degan xuduudka labada dal iyo dil ay u geysteen ciidamada qaranka ee ku sugan degamada Doolow ee gobolka Gedo.
HBN ONLINE TV