Itoobiya oo kumanaan ciidan ku soo daabuleysa galbeedka Soomaaliya

Itoobiya ayaa bilowday in ay kumanaan ciidamo millitari ah oo gaashaaman ku daabusho dhulka Gobolka Shabeelle dowlad degaanka Soomaalida ku teedsan oo uu la wadaago Gobolka Hiiraan ee Soomaaliya.

Kumanaan ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo gaashaaman ayaa lagu daabulayaa Soohdinta laabadaasi Gobolka ee gudaha Soomaaliya, gaar ahaanna halka lagu magacaabo Feer Feer oo dhacda Xadka Gobolka Hiiraan iyo Gobolka Shabeelle.

Dhaq dhaqaaqa millitari ee Itoobiya ayaa imaanaya ka dib markii Soomaaliya ay heshiis millitari la saxiixatay Masar oo ay ku muransan yihiin biyaha webiga Niilka, gaar ahaanna biya xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam oo Xukuumadda Addis ababa ka samaynayso webiga Niilka.

Dowladda Itoobiya ayaa salhig Jigjiga oo laga Daah furay dhawaan ku sheegtay in uu noqon doono Xarunta Tababarka ee Taliska Bariga Ciidamada Ethiopia.

Taliyaha Guud ee Ciidamada milatariga Ethiopia ayaa Daah furay Xarunta tababarka Garabcase oo Taliska Bariga u noqon doonta Xarun Tababar.

Sido kale jigjiga waxaa lagu xusayaa Sanad guuradii 47 ee kaso wareegtay aas aaska Taliska bariga Ethiopia.

Dhawaan ayey aheyd markii Dowladda Masar ay magaalada Muqdisho ka soo dejisay laba diyaaradood oo sida la rumeysan yahay hordhac u ahaa ciidamada dalkaasi oo dabayaaqada sanadkan Soomaaliya imaan doono, si ay qayb uga noqdaan howlagalka AUSSOM iyo kumanaan kale oo kale oo ku imaan doona axdi ay wada galeen labada dowladood.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed