Itoobiya oo ku goodisay in ay u diyaar garowday “cadowga” dalkooda

Taliyaha guud Ciidamada Itoobiya oo ku sugan magaalada Jigjiga ee galbeedka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladooda ay ka difaaceen ciidamada Bariga dalkaasi ka dhisan, ka dib duulaankii dowladdii uu huggaaminayey madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Siyaad Barre, waa sida hadalka uu u dhigaye.

Birhanu Jula Taliyaha guud Ciidamada ayaa tilmaamay in ciidamada Itoobiya ay u diyaar garoobeen wax uu ku sifeeyey “cadowga” oo uu ula jeedeyey Madaxweynihii Soomaaliya ee xiligaas, kaasi oo uu sheegay in uu duulaamo badan dalkooda ku soo qaaday, halkaa oo ay ka difaaceen kuwa dalkiisu.

“Ciidamadena Bariga Itoobiya waxay dalka ka difaceen dulaamo badan uu cadawgu dalka ku so qaaday, kuwaas oo ay ka mid ahayeen ciidamadii is balaadhinta ee Siyaad Barre oo si geesinimo leh looga hor tagay” ayuu yiri.

Sida oo kale waxaa uu intaa ku daray Birhanu Jula in ciidamadoodu ay sugeen sida hadalka uu u dhigay amniga dhamaan xudduudaha dalkooda, iyaga oo uga sii gudbay sugidda wax uu ugu yeeray dhulkii Siyaad Barre oo halkas nabad ka dhigeen.

Waxaa uu tilmaamay in is balaadhintaasi bariga ay wadaan uu yahay hugunka dagaalka iyo in ciidankoodu uu awood u leeyahay iska caabinta xooggagii isku dayay in dalkooda ku soo duulaan.

“Cadawgeena soo jireenka ah si buuxda ayaan ugu diyaar garownay ciidamadenuna waa diyaar” ayuu yiri taliyaha Ciidamada Itoobiya.

Itoobiya ayaa bilowday in ay kumanaan ciidamo millitari ah oo gaashaaman ku daabusho dhulka Gobolka Shabeelle dowlad degaanka Soomaalida ku teedsan ee uu la wadaago Gobolka Hiiraan ee Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed