Taliyaha Kulliyadda Difaaca Itoobiya, Janaraal Bulti Tadesse, oo khudbad ka jeediyay xafladda tababar ciidan, ayaa sheegay in dalkiisa ka go’an tahay in uu noqdo mid kaalin ku yeesha awoodaha gobolka ee ku tartamaya Badda Cas.
Janaraalka ayaa carrabka ku adkeeyay in mudnaanta 1-aad ay tahay nabad, wada hadal iyo diblumaasiyad, hase yeeshee, waxaa uu hoosta ka xariiqay in haddii arrintaas lagu guuldareysto ay Itoobiya diyaar u tahay in ay qaaddo tallaabo adag oo amarrada dowladda lagu fulinayo.
Bulti Tadesse ayaa intaas ku daray in Itoobiya ku taallo meel ay colaad iyo cadowyo kaga soo waajahayaan dhinaca Badda Cas, isagoo sheegay in kooxaha hubaysan sida Alshabaab ay hub kala duwan soo geliyaan sida uu hadalka u dhigay dalkiisa si ay dagaal iyo nacayb uga dhex abuuraan shacabka.
Hadalka Janaraalka ayaa kusoo beegmaya, iyadoo horraantii bishan September uu hadal lamid ah jeediyay General Teshome Gemechu oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya.
Dhanka kale, Eritrea ayaa horey u sheegtay in Itoobiya damac kaga jiro Dekedda Casab, halka Madaxweyne Isaias Afwerki uu muujiyay walaac ku saabsan in Addis Ababa isku dayi karto in ay qabsato qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.
Hadalladan soo noqnoqda ayaa sii kordhiyay cabsi ah in Geeska Afrika uu markale ku jiheysto xiisado hubeysan oo ku saabsan marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas, kaas oo ah halbawlaha ganacsiga caalamiga ah.”
HBN ONLINE TV