Dawlada Ethiopia ayaa sheegtay inay ka walaacsantahay hawlgalka cusub ee beddelayo kan ATMIS ee waqtigiisu uu iminka gabaabsiga yahay, iyo ciidamada cusub ee lagu soo daabulayo Soomaaliya, iyada oo howlgalka cusub ee taageerada nabada ay ka buuxaan khataro ku wajahan gobolka sida ay hadalka u dhigtay.
Itoobiya ayaa sheegtay in aysan u dulqaadan doonin wax walba oo khatar ku ah amnigeeda qaranka iyo gudaha dalkeeda.
Bayaanka ay Itoobiya soo saartay ayaa lagu yiri “Itoobiya waxay ka walaacsan tahay in ka guurista howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) oo loo beddelo howlgal cusub oo taageero nabadeed ay la socdaan khataro ku wajahan gobolka”.
Waxaa intaa ay ku dartay in aysan u dulqaada karin falalka halista gelinaya wax ay ku tilmaantay “guulihii laga gaaray argagixisada” gobolka iyo kuwa caalamiga ah, iyada oo sheegtay in ay ka go’an tahay in si nabad ah lagu xalliyo khilaafaadka iyo in ay lala shaqeyso shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka si bay tiri “looga hortago khataraha ku wajahan nabadda iyo xasilloonida gobolka”.
Itoobiya ayaa sheegtay in aysan iska dhega tiri doonin isku dayga joogtada ah ee lagu wiiqayo naf-hurnimada ciidamada difaaca Itoobiya.
“Itoobiya ma istaagi karto shaqo la’aan halka jilayaasha kale ay qaadayaan tallaabooyin ay ku khalkhal galinayaan xasilloonida gobolka. Itoobiya waxay si feejigan ula socotaa isbedellada ka socda gobolka oo khatar gelin kara amniga qarankeeda” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay xukkumadda Addis Ababa.
Hadalkan ka soo baxay Itoobiya ayaa ku soo aadayaa iyadoo shalay laba diyaaradod oo military oo Masar leedahay ay qalab iyo agab ciidan keeneen Soomaaliya, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya inay u gogol xaarayaan ciidamo ka socda Masar oo Soomaaliya la keenayo.
Inkastoo Itoobiya ay sheegtay inay ka walaacsan tahay qatarta ay sheegtay in uu xambaarsan yahay hawlgalka haddana bayaanka Addis Ababa ka soo baxay ayaan meelna looga xusin Dawlada Soomaaliya, balse waxaa lagu xusay in Itoobiya ay la shaqeynayso shacabka Soomaaliyeed, waa sida hadalka ay u dhigtaye.
HBN ONLINE TV

