Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Suleiman Dedefo Woshe ayaa si cad uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo cabsida Addis Ababa ee ku aaddan doorka ciidamada Masar ee dhawaan iman doona Soomaaliya.
Safiir Dedefo ayaa sheegay in Itoobiya aysan wax cabsi ah ama khatar ah ka qabin joogitaanka ciidamada Masar ee Soomaaliya, balse wuxuu si toos ah u dafiray in ay wax qabad muuqda ku yeelan doonaan nabadeynta Soomaaliya.
“Ma jirto cabsi ama khatar ay nagu tahay joogitaanka ciidanka Masar ee Soomaaliya. Ciidanka Masaaridu ma lahan taariikh nabad-abuureed oo caalami ah,” ayuu yiri Safiir Dedefo.
Sidoo kale, Wuxuu xusay in Masar aanay gargaar u fidin dalalka dariska la ah ee ay colaadaha iyo dhibaatooyinka adag ka jiraan, isagoo tusaale u soo qaatay Suudaan, Liibiya, Suuriya iyo Falastiin.
“Suudaan iyo Liibiya waa daris ay Masar leedahay oo ay dhibaatooyin ka jiraan, haddana ma aysan caawin. Sidoo kale Suuriya iyo Falastiin, kaalmo muuqata Masar kama geysan nabadeyntooda,” ayuu mar kale yiri Dedefo.
Waxaa la filayaa in dhawaan ciidamada Masar lagu soo biiriyo howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, kaddib markii Qaahira ay tababar u soo xirtay ciidanka loo soo wado Muqdisho.
Inkasta oo Itoobiya si weyn uga soo horjeedo qorshahan, hadana dowladda Soomaaliya ayaa ku adkaysatay in ciidamada Masar la keeno dalka, iyadoo hore ula saxiixatay heshiisyo Militeri.
Mas’uuliyiinta difaaca ayaa sheegay in ciidanka Masar ay xoojin doonaan taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya, xilli ay dowladda Federaalka kordhineyso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo ISIS ee gudaha dalka.
HBN ONLINE TV