Dowladda Itoobiya ayaa walaac ka muujisay hubka lagu soo daabulo Soomaaliya, taasi oo ay sheegtay in ay ka sii dari karaan ammaanka jilicsan ee gobolka, waa sida hadalka ay u dhigtaye.
Itoobiya ayaa arintan la wadaagtay Qaramada Midoobey intii lagu guda jiray kulan uu magaalada New York kula yeeshay ku xigeenka xoghayaha guud ee UN-ka Rosemary DiCarlo Wasiirka arimaha Dibedda Itoobiya Taye Atske-Selassie.
Wasiir Taye, ayaa ka digay in saanadda ay bixiyaan ciidamada dibedda ay sii xumeyn doonto ammaanka jilicsan oo ay ku dambeyn doonto sida hadalka uu u dhigay gacanta Argagixisada inta lagu guda jiray fadhiga 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Hadalkan ayaa imaanaya maalin uun ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in shixnado militari Masar ay soo gaarsiisay Muqdisho, taasi oo lagu tilmaamay tii ugu ballaarneyd tan iyo markii Qaramada Midoobay ay ka qaaday cunaqabateynta hubka ee saarnaa Soomaaliya.
Shixnadaha ayaa la sheegay inay isugu jireen qoryaha darandooriga u dhaca, kuwa lidka taangiyada, iyo baabuurta gaashaaman, taasi oo qayb ka ahayd heshiis dhinaca difaaca ah oo ay Masar iyo Soomaaliya kala saxiixdeen bishii hore ee August.
Xukuumadda Somaliland oo ka jawaabaysa shixnaddan ayaa walaac xooggan ka muujisay, ka dib markii war saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibedda sheegtay in siinta hubkan, gaar ahaan Sooomaaliya oo waa sida hadalka loo yiriye aan awoodin in xaaladda ka sii dari karto gobolka oo jilicsanaa.
Gargaarka militari ayaa imaanaya iyada oo ay jiraan dhaqdhaqaaqyo adag oo gobolka ah.
Warar soo baxay bishii hore ayaa sheegay in Masar ay bilaawday in saraakiil ciidan iyo qalab ciidan ay keentay magaalada Muqdisho, halka uu qorshuhu yahay in ilaa 10,000 oo askari oo Masar ah la keenayo Soomaaliya.
Wasiirka Arimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa shixnadaasi hubka iyo saanadda kale isugu jirtay ku sheegay mid loogu tala galay ciidamada dowladda ee dagaalka kula kooxda Alshabaab.
Kordhinta iskaashiga milatari ee u dhexeeya Masar iyo Soomaaliya ayaa ka soo horjeeda xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, ka dib markii Addis Ababa ay heshiis is-faham (MoU) la gashay Somaliland oo ku saabsan helitaanka dekedda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa sida oo kale ka hadlay mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ATMIS, isaga oo carrabka ku adkeeyay in dhammaan arrimaha howlgalka oo ay ku jiraan wax laga bedelo, lana tixgeliyo ka hor inta aan la gaarin go’aannada.
Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in Itoobiya ka saari doonto howlgalka cusub, ka dib markii ay shuruud kaga dhigtay in heshiiskii Addis Ababa kaga baxdo Soomaaliland, taasi oo ay ka ka caga jiiday in ay wax ka besho.
Taya ayaa sida oo kale kala hadlay Qaramada Midoobey xaaladda Suudaan, isaga oo muujiyay sida ay Itoobiya ugu ololaynayso in xal siyaasadeed lagu dhammeeyo qalalaasaha socda, waxaaa uu xusay in Addis Ababa ay u ololayn jirtay sidii xal siyaasadeed loogu heli lahaa qalalaasaha ka socda Suudaan iyo Alshabaab.
Inkastoo Itoobiya ay ku doodayso in hubka Soomaaliya ay ka heshay Masar uu wax dhimi karo xaalada amaan ee gobolka uuna gacanta u gali karo wax ay ugu yeertay argagixiso, haddana Itoobiya ayaa caan ku ahayd in ay hub siiso kooxihii hubaysnaa ee ku loolamayay gacan ku haynta awoodda dalka, sidoo kale dhawaan Itoobiya waxay dhawr hub soo galisay gobolada sida Galmudug, Puntland & Koonfur Galbeed sida lagu xusay bayaan ka soo baxay dawlada Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

