Itoobiya oo ka dabacday halkay ka taagneyd muranka heshiiskii Janaayo

Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaadday in ay Soomaaliya yihiin dalal deris ah oo aan kala maarmaanin, halka ay xoojinayso isdhexgalka gobolka.

Warkan oo uu shir-jaraa’id ku sheegey Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha-dibedda Itoobiya Nebiat Getachew ayaa waxaa uu carrabaabay in xukuumadda Addis Ababa ay ka shaqeyn doonto sidii kor loogu qaadi lahaa wada noolaashiyaha labada dal ee dariska ah.

Waxaa uu intaas ku daray in Itoobiya ay ka shaqaynayso is dhaxgalka Gobalka iyo dalalka dariska ah Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in aan la kala maarmin.

Madaxdweynaha natiijada sugaya ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo horay heshiiska muranka dhaliyey ula galay Itoobiya ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in uu halkiisa ka sii wadi doono, haddii uu markale ku soo laabta madaxtooyada.

Itoobiya oo dhaliilo adag kala kulantay Soomaaliya iyo fagaarayaasha ayaa sanadkan horaantiisii Addis Adddis kula saxiixatay heshiis u saamaxaya in galaan gal ku yeelato marinta badda cas, inkasta oo Muqdisho arinkaa sheegtay in uu yahay mid ku xad gudbaya madax banaanida dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed