Bangiga Dhexe ee Itoobiya (NBE) ayaa soo saaray digniin cusub oo ku saabsan shirkadaha xawaaladaha ah iyo adeegyada lacag-dirista ee aan ruqsadda ka haysan dalkaasi, iyadoo liiska la shaaciyey ay ku jiraan dhowr shirkadood oo Soomaali ah ama si weyn u adeeggasadaan bulshada Soomaalida ah.
Wa rsaxaafadeedka oo soo baxay 28-ka Agoosto Jimcihii ayaa Bangigu ku sheegay in adeegsiga shirkadaha lacag-dirista ee aan ruqsadda haysan iyo xawaaladaha sharci-darrada ahi uu ka mamnuuc yahay Itoobiya.
Liiska waxaa ka mid ah Amal Express, Jubba Express, Tawakal Money Services, Shgey Money Transfer, Bakaal Money Transfer, Taaj Financial Service, Tasa Pay iyo Ramad Pay, iyo shirkado kale.
Bangiga ayaa sheegay in adeegsiga shirkadaha aan fasaxa haysan uu sababi karo lacag lumis, dib-u-dhac, xannibaad koontooyin iyo tallaabooyin sharci, wuxuuna shacabka iyo qurbo-joogta ugu baaqay inay isticmaalaan oo keliya shirkadaha Bangiga dhexe ruqsadda ka haysta.
Tallaabadan ayaa dhalisay walaac, iyadoo qaar ka mid ah bulshada Soomaalida ay u arkaan mid si weyn u saameyn karta shirkadaha Soomaalida iyo kumannaan qoys oo ku tiirsan adeegyada xawaaladaha.
Hase yeeshee, Bangiga dhexe wuxuu tallaabada ku sheegay mid lagu ilaalinayo macaamiisha iyo nidaamka maaliyadeed.
Ilaa hadda, shirkadaha la magacaabay kama aysan soo saarin jawaab rasmi ah eedeymaha iyo go’aanka Bangiga Dhexe ee Itoobiya.
HBN ONLINE TV

