Dowladda Kenya iyo Itoobiya ayaa sheegay inay wada saxiixdeen heshiis is afgarad ah oo lagula dagaalamayo Al Shabaab, iyada oo la adeegsanayo howlgalo amni oo wadajir ah.
Ku dhawaaqista ayaa timid, ka dib wadahadal dhex maray taliska ciidamada difaaca Itoobiya iyo wafdi ka socday militariga Kenya oo uu hogaaminayay Jeneraal Charles Kahariri oo ah taliyaha guud ee ciidamada Kenya.
Taliyaha ciidamada guud ee Itoobiya Birhanu Julla ayaa sheegay in dood dheer ka dib, la diyaariyay is-afgarad qabyo ah oo la filayo in la saxeexo laba toddobaad gudahood.
Sida oo kale Wuxuu intaas ku daray in heshiiskan uu ujeedkiisu yahay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labda dal dhexmarta, gaar ahaan la dagaalanka Al Shabaab oo si wadajir ah loo fulinayo.
Labadaan dal oo Soomaaliya la leh xaduud dhanka dhulka iyo Badda ah ayaa heshiiskoodu ku soo aadayaa, xilli dowladda Soomaaliya ay Itoobiya ka saartay howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee soo socda.
Lama oga qaabka uu howlgalkan u dhici doono, maadama badi kooxda Alshabaab ay ka talowdo xadka, si gaar ah dalka Kenya.
HBN ONLINE TV

