Isreal oo duqeyn culus u gaysatay suryada Gaza

Ciidamada Israel ayaa duqeyn xooggan waxay saaka waaberigii u gaysteen marinka Gaza ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.

Tan ayaa u ahayd jawaab weerar gantaallo oo Falastiiniyiintu ku qaadaan Koonfurta Isreal laba saac ka hor xilliga weerarka Isreal ay qaaday.

Gantaalaha Falastiiniyiintu la beegsadeen gudaha Isreal ayaa lagu sheegay inay jawaab u ahaayeen weerarkii shalay ciidanka Isreal ku qaadeen Daanta Galbeed halkaasi oo iska horimaad ay la galeen xooggaga Falastiiniyiinta ay ku dileen 10 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ka mid yihiin dad waayeel ah iyo caruur.

Israel ayaa sheegtay in gantaalaheeda difaaca ay ka hortageen gantaalo dhanka Falastiiniyiinta laga soo tuuray oo lala beegsaday  magaalooyinka Ashkelon & Sderot, waxaana la sheegay in aanay jirin wax khasaare ah oo weerarkaasi ka dhashay.

Warbaahinta ku sugan Gaza ayaa soo tabinaya in ugu yaraan 11 gantaal oo ay tureen dagaalyahannada Falastiiniyiinta lagu riday dhanka Isreal.

Iska horimaadyada u dhaxeeya Falastiiniyiinta iyo Isreal ayaa xooggaystay sanadkan ka dib markii xukunka ay la wareegtay xukuumad xagjir ah oo aaminsan in gacan bir ah lagu qabto Falastiiniyiinta.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed