Israa’iil oo walaac xooggan ka muujisay saameynta sii balaaranaysa Turkiga ee Soomaaliya iyo dhismaha saldhigiisa gantaallada

Turkiga oo sii ballaarinaya saameyntiisa gudaha Soomaaliya ayaa walaac xooggan ku abuuray falanqeeyayaasha amniga ee Israa’iil, kuwaas oo ka digaya in istaraatiijiyadda fog ee Ankara ay saamayn toos ah ku yeelan karto amniga Bariga Dhexe iyo Badda Mediterranean-ka. Warbixinada ayaa sheegaya in Turkigu heli karo dhul gaaraya 900 km² oo ku habboon tijaabinta gantaallaha fog-fogaanta, kuwaas oo hore loogu sifeeyay inay khatar ku yihiin Giriigga iyo Israa’iil.

Khabiir Israa’iili ah oo lagu magacaabo Shay Gool ayaa xusay in masaafada u dhexeysa Turkiga iyo Soomaaliya ay la mid tahay tan Israa’iil u jirto Yemen, taas oo ku qasabtay hay’adaha amniga Tel Aviv inay “indho furan” ku eegaan dhaqdhaqaaqyada Ankara ee Soomaaliya.

Saameynta Turkiga ee Soomaaliya oo soo bilaabatay 2011-kii ayaa maanta gaartay heer ballaaran oo dhanka amniga, dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo siyaasadda ah. Ankara waxay maamushaa saldhigga weyn ee TURKSOM, dekedda iyo garoonka Muqdisho, halka isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan ex Digfeer iyo hay’adaha maaliyadeed ee Turkiga ay door muuqda ku leeyihiin howlaha bulshada. Xiriirka dhow ee Ankara la leedahay hoggaanka Soomaaliya ayaa sii xoojiyay aragtida ah in Turkiga yeeshay meel istaraatiiji ah oo uu si buuxda u maamulo gudaha dalka.

Walaaca ugu weyn ee ka jira Israa’iil iyo Giriigga wuxuu ka dhashay wararka sheegaya in Turkiga uu doonayo inuu Soomaaliya ka dhisto goob loogu talagalay tijaabada gantaallaha fog—gaar ahaan gantaalka Tayfuun oo masaafo dheer gaari kara. Xeebaha ballaaran iyo bannaanka fidsan ee Soomaaliya ayaa Ankara u siinaya deegaan u sahlaya inay tijaabiso hubka masaafo fog aan si fudud looga ogaan karin gudaha Turkiga.

Israel waxay arrintan u aragtaa wax ka baxsan Soomaaliya oo keliya, balse qayb ka ah istaraatiijiyadda Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ee ah in Turkiga uu kordhiyo awooddiisa militari iyo saameyntiisa gobolka.

Tel Aviv waxay ka baqaysaa in Ankara, oo heli karta meel tijaabo oo ammaan ah, ay horumarin karto gantaallo ka masaafo dheer kuwa hadda jira. Sida uu sheegay khabiirka Israa’iiliga ah: “Israel iyo Greece labaduba waxay sare u qaadeen sirdoonka ku saabsan gantaal kasta oo Turkigu tijaabiyo.”

Ugu dambeyn, Soomaaliya ayaa isu beddeshay goob muhiimad cusub ku yeelatay xisaabinta amniga ee Bariga Dhexe iyo Mediterranean-ka, iyadoo Turkiga uu dhisayo awood weyn oo ku salaysan milatari, maalgashi iyo siyaasad, dalalka sida Israa’iil iyo Greece waxay ka arkaan Soomaaliya meel Ankara uga sahli karta inay dhaqan-geliso awood iyo istaraatiijiyad ka baxsan gobolka Mediterranean-ka. Khabiirka Israa’iiliga ah ayaa ku soo gabagabeeyay: “Masaafadu ma aha waxa ugu muhiimsan — ee waa awoodda iyo ujeeddooyinka; labadaba Turkigu wuu kordhinayaa.”

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed