Israa’iil oo si cad u sheegtay inay qorshaynayso dilka hoggaamiyaha Xuutiyiinta

Wasiirka Tamarta ee Israa’iil, Eli Cohen, ayaa maanta ku hanjabay in Israa’iil ay khaarajin doonto hogaamiyaha kooxda Xuutiyiinta Yemen, Cabdul Malik al-Xuuti.
Cohen oo la hadlayay idaacad maxali ah oo Israa’iil laga leeyahay ayaa yiri “Waxaan farriin u dirayaa hogaamiyaha Xuutiyiinta, haddii uu sii wado ficilkiisa, wuxuu ku dambayn doonaa sidii ay ku dambeeyeen hogaamiyihii Xamaas Yaxya Sinwar iyo Xoghayaha Guud ee Xisbullah Xasan Nasrallah.”

Yaxya Sinwar ayaa ku dhintey iska horimaad 16-kii Oktoobar ka dhacay Koonfurta Marinka Qasa, halka Xasan Nasrallah lagu dilay duqeyn Israa’iil ka gaystay magaalada Bayruut, 27-kii Sebtembar intii lagu jiray dagaalkii u dhaxeeyay Israa’iil iyo Xisbullah.]

“Waxaan uga hawlgalnay si nidaamsan oo istiraatijiyad leh Gaza iyo Lubnaan, haddase, waxaan diirada saaraynaa Yemen iyo Iran” ayuu ku andacooday Wasiirka Tamarta Israa’iil.

Falanqeeyasha ayaa sheegay in muddo ku dhow 15 bilood, Israa’iil waxay gobolka u riixaysay dagaal ba’an, iyadoo xasuuq ka wadday Gaza, weerarna ku qaaday Lubnaan, iyadoo sidoo kale duqeymo ka geysanaysay Suuriya iyo Yemen, halka weerar & weerar celis ay isku hayeen Iiran.

Tan iyo bilowgii dagaalka “xasuuqa ah” ee Gaza, Israa’iil waxay afar jeer duqeysay bartilmaameedyo ku yaalla Yeman, taas oo sababtay dhimasho, dhaawacyo, iyo burbur baaxad leh, gaar ahaan xarumaha tamarta.
Inkasta oo ay jireen duqeymahaas, haddana Xuutiyiinta ayaa weli ku soo ridaya gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn gudaha Israa’iil iyagoo dalbanaya in la joojiyo weerarka ka dhanaka ka dhanka ah Gaza.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed