Israa’iil oo Mareykanka uga digtay khatar weerar oo ka soo fool leh Iiran

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa digniin ku siiyay maamulka Mareykanka in tijaabooyinka gantaallaha ee ay wadaan Ciidammada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ee Iran ee loo yaqaan IRGC aysan ahayn oo keliya tababaro ciidan, balse ay noqon karaan hordhac weerar lama filaan ah oo ka dhan ah Israa’iil, sida ay sheegeen ilo Israa’iili ah iyo kuwo Mareykan ah oo arrintan ku dhow.

Digniintan ayaa la jeediyay maalmo ka hor, iyadoo xiisaddu sii kordhayso isla markaana feejignaanta amniga ee Israa’iil ay sare u kacday.

Ilo Israa’iili ah ayaa u sheegay shabakada wararka Axios ee Mareykanka laga leeyahay in macluumaadka sirdoonka hadda la hayo uu keliya muujinayo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka socda gudaha dhulka Iiraan, balse aysan weli jirin caddeyn qotodheer oo muujinaysa in weerarku uu dhici doono dhowaad.

Si kastaba ha ahaatee, sida ay sheegeen ilahaasi, ciidamada Israa’iil ayaa ku jiray feejigniin xooggan sanadahan, gaar ahaan kadib weerarkii lama filaanka ahaa ee Xamaas ay qaaday 7-dii Oktoobar 2023.

Mid ka mid ah ilaha ayaa xusay in sirdoonka Israa’iil uu qaatay walaac ku aadan arrimahan ku dhawaad lix toddobaad ka hor, kadib markii la ogaaday dhaqdhaqaaqyo gantaallo oo Iiraan ay waddo, balse digniintaas waqtigaas laguma beddelin tallaabooyin wax ku ool ah.

Ilo kale oo Israa’iili ah ayaa sheegay in suuragalnimada weerar Iiraan ay weli ka hooseyso 50% (konton boqolkiiba) “laakiin cidna diyaar uma aha inay qaadato halis oo ay u aragto waxa socda oo keliya dhaq-dhaqaaq caadi ah.”

Dhanka kale, ilo Mareykan ah ayaa sheegay in sirdoonka Mareykanka uusan weli hayn tilmaamo cad oo muujinaya in weerar Iiraan uu dhow yahay, taas oo muujinaysa kala duwanaansho qiimeyn ah oo u dhexeysa dhinacyada Israa’iil iyo Mareykanka.

Ilo ku dhow arrimaha ayaa sheegay in Taliyaha Guud ee Ciidanka Israa’iil, Jeneraal Eyal Zamir, uu telefoon kula hadlay Taliyaha Taliska Dhexe ee Mareykanka, Admiral Brad Cooper, isaga oo uga warbixiyay walaaca Israa’iil ee ku saabsan dhoolatusyada & tijaabooyinka gantaallaha Iiraan ee dhowaan bilaabmay. Zamir ayaa sheegay in qaar ka mid ah dhaq-dhaqaaqyada hawlgalka ay noqon karaan hoosaasin lagu qariyo weerar lama filaan ah, isaga oo ku baaqay isku-duwid dhow oo dhinaca difaaca ah oo u dhaxeysa ciidamada Mareykanka iyo Israa’iil.

Cooper ayaa markii dambe booqday Tel Aviv, halkaas oo uu kula kulmay Zamir iyo saraakiil sare oo ka tirsan militariga Israa’iil si ay uga wada hadlaan xaaladda. Militariga Israa’iil kama aysan bixin faallo rasmi ah, Taliska Dhexe ee Mareykankana isna si degdeg ah ugama jawaabin.

Sida ay sheegeen ilaha, khatarta ugu weyn waxay tahay suuragalnimada iska hor imaad ballaaran oo ka dhasha qalad is-faham la’aan ah, iyadoo labada dhinac ay rumeysan yihiin in mid kasta uu qorsheynayo weerar isla markaana uu doonayo inuu ka hormaro.

Sida ay qortay Axios, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu kula kulmo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump 29-ka December magaalada Miami. Ilo Israa’iili ah ayaa sheegay in Netanyahu uu doonayo inuu kala hadlo dadaallada Iiraan ee lagu dhisayo awooddeeda gantaallaha ballistic-ga, iyo suuragalnimada weerar cusub oo loogu qaado sanadka 2026.

Qiimeynta Israa’iil waxay sidoo kale muujinaysaa in Iiraan ay bilowday tallaabooyin hordhac ah oo lagu dhisayo kaydkeeda gantaallaha kadib dagaalkii ugu dambeeyay, balse aysan weli dib u helin awooddeedii buuxda. Sirdoonka militariga Israa’iil iyo Mossad ayaa aaminsan in xawaaraha soo kabashadan uusan keenayn baahi degdeg ah oo ciidan bilaha soo socda, balse ay noqon karto arrin sii adkaan karta dabayaaqada sanadka.

Xigasho: Warbaahinta Israa’iil & Iiraan.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed