Israa’iil oo mar kale si adag uga hortimid dawlad madaxbannaan oo Falastiin ah

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Gideon Sa’ar oo saxaafadda la hadlay maanta ayaa sheegay in dhismaha dowlad madax bannaan oo Falastiiniyiintu yeeshaan aysan “maanta dhab ahayn”.

Wasiirka cusub ee la magacaabay oo wax laga waydiiyay arrintan iyo sida ay ku suurtagali karto ama Donald Trump oo loo doortay mar labaad madaxweynaha Maraykanka uu ugu dhaqaaqi karo qorshahaas ayaa yiri “Uma malaynayo in arintani maanta tahay mid xaqiiqo ah, waana inaan si waaqici ah u fakarnaa”.

Gideon Sa’ar ayaa ku andacooday in dawlad kasta oo Falastiin ay yeelataa ay mustaqbalka noqon doonto dalwad Xamaas leedahay, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibedda Israa’il ayaa ku oo beegmay iyadoo maanta dalka Sacuudiga ay kulan ku yeesheen madaxda dalalka Carabta & kuwa Islaamka iyagoo hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay dalwad ay Falastiin yeelato.

Sidoo kale waxa uu ku soo beegmay iyadoo sanadkan dhawr dal oo reer Yurub ah ay aqoonsadeen dawlad rasmi oo ay Falastiiniyiintu yeeshaan waxaana dalalkaasi ka mid ah Spain, Norway & Ireland iyadoo sidoo kale ay socdaan dadaallo kale oo lagu doonayo dhismaha dawlad rasmi ah oo ay Falastiiniyiintu yeeshaan.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed