Israa’iil oo balaarinaysa duullaanka ay ka wado Marinka Gaza

Ciidamada Israa’iil ayaa shaaca ka qaaday in ay damacsan yihiin inay sii xoojiyaan weerarkooda milateri ee ka socda marinka Gaza, iyagoo kordhinaya duulaanka ay ka wadeen in ka badan 14 bilood.

Shabakadda wararka Israa’iil ee Walla ayaa soo xigatay ilo milateri oo aan magacyadooda la shaacin kuwaas oo sheegay in Abaanduulaha Ciidamada, Herzi Halevi, uu dhawaan soo saaray awaamiir ah in la diyaariyo ballaarinta howlgalada milateri ee Gaza, iyadoo ciidamo dheeraad ah la geeynayo deegaano kala duwan.

Ilo-wareedku waxay tilmaameen in cutubyada sida kuwa taangiyada iyo injineeriyada loo faray inay isku diyaariyaan inay u dhaqaaqaan Gaza, iyada oo la xoojinayo hawlgallada cirka si loo kordhiyo cadaadiska milateri ee saaran kooxaha Falastiiniyiinta.

Sabtidii, ciidamada Israa’iil waxay cusboonaysiiyeen digniintooda ku socota Falastiiniyiinta ku sugan waqooyiga Gaza, oo ay ku jiraan Beit Hanoun, si ay uga guuraan guryahooda oo ay u aadaan koonfurta, taasi oo qayb ka ah wax Falastiiniyiintu ku sifeeyeen xasuuqa Israa’iil ka wado Waqooyiga Marinka Gaza muddo saddex bilood ah.

Israa’iil waxay 5-tii Oktoobar ku dhawaaqday weerar dhulka ah oo ballaaran kaasi oo ka dhan ah waqooyiga Gaza, iyadoo ku andacoonaysa inay ka  soo horjeeda in Xamaas dib isu abaabusho. Si kastaba ha ahaatee, Falastiiniyiintu waxay ku eedeeyeen Israa’iil inay damacsan tahay inay qabsato aaggaas oo ay xoog ku barakiciso dadka degan.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed