Iskudhacyada hubaysan ee Itoobiya oo barakiciyay in ka badan 50,000 oo qof isla markaana xaaladdu ku xun tahay

Tirada dadka ku barakacay iskahorimaadyada hubaysan ee dhulka miyiga ah ee waqooyiga Itoobiya ayaa kor u dhaafay 50,000 tan iyo 13-kii Abriil, sida laga soo xigtay maamulka maxalliga ah, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada (Ocha).

Warbixin xaaladeed oo la sii daayay Isniintii, UN-Ocha ayaa shaaca ka qaaday in inta badan dadka barokacay oo u badan haween, carruur, iyo waayeel – ay weli magangalyo u raadsanayaan magaalooyinka Kobo iyo Sekota ee gobolka Axmaarada.

Xaaladda bini’aadantinimo ayaa aad u xun, iyadoo kumanaan haween iyo carruur ah ay u baahan yihiin taageero bini’aadantinimo oo ballaaran si ay u noolaadaan.

Dowladda iyo hay’adaha samafalka ayaa bilaabay bixinta adeegyada cuntada iyo caafimaadka, kuwaas oo aan weli ku filneyn kheyraadka oo xadidan awgeed.

13-kii iyo 14-kii Abriil, iska-horimaadyo hubeysan ayaa ka dhacay magaalada Alamata ee Waqooyiga Itoobiya. Khasaaraha aan la cayimin ayaa la soo sheegay, iyadoo dad badan oo rayid ah la sheegay inay u qaxeen Kobo iyo Sekota oo dariska la ah, UN Ocha ayaa warbixin hore ku sheegtay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed