Isku shaandhayn uu sameeyay Madaxweynaha Puntland oo xilkii looga xayuubiyay Cabdi Faraax Juxaa

Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Puntland, ayaa maanta soo saaray wareegto uu ku sameeyay isku shaandhayn ballaaran oo lagu sameeyay xukuumaddiisa, taas oo xilkii looga qaaday wasiirro ay ku jiraan Cabdi Faarax Saciid (Juxa) iyo xubno kale oo muhiim ahaa.

Isbeddelkan ayaa si gaar ah u saameeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyadoo Juxa xilka laga qaaday, sidoo kale waxaa xilalka laga qaaday Wasiirkii Cadaaladda Maxamed Cabdiwahaab iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsanaa xukuumadda.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale magacaabay wasiirro cusub oo beddelaya kuwii xilalka laga qaaday, kuwaas oo kala hoggaamin doona wasaaradaha kala duwan ee Puntland.
Magacaabista ayaa Sidoo kale gaartay wasiir ku xigeenno cusub oo tiradoodu ka badan tahay 13 xubnood, kuwaas oo lagu xoojiyay qaab-dhismeedka xukuumadda.

Wasiirkii Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid ayaa loo wareejiyey Wasaaradda Dhallinyarada & Ciyaaraha, waxa Waxa Wasiirka Warfaafinta noqday Farxaan Cali Xirsi.

Isku shaandhayntan ayaa imanaysa xilli ay jiraan isbeddello siyaasadeed oo ka socda gudaha Puntland, waxaana la filayaa inay saameyn ku yeelato jihada maamulka iyo howlaha dowladnimo ee maamulkaas.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed